Ra’iisul wasaare Saacid oo soo dhamaystiray Golaha Xukuumadiisa

Updated About:2 years ago
1

Dhamaystirka Gollaha wasiirada ayaa ahayd mid aad loo sugayay oo laga war dhowrayay Xfiiska RW Soomaaliya, waxaana jiray kulamo iyo latashiyo soconayay mudo ku dhow bil, taasoo lagu magacaabayay Xubnahan maanta magacooda lashaaciyay.

Liiskan Gollaha wasiirada ayaa micnihiisa waxa uu yahay in guud ahaan Xukuumaddii lasoo dhamaystiray, Liiksa waxa uu ka koobanyahay 5 wasiiro doowladeed iyo 20 wasiiro kuxigeen, waxaana wasaaradaha oo 10 wasaaradood ah middiiba ay leedahay miin 2 wasiiro-kuxigeen.

Magacyada Liiska Wasiirada lamagacaabay:

1-Cabdi Faarax C/qaadir W/dowlaha Madaxtooyada.

2-Dr  Maxamed  Nuur Gacal W/dowlaha arrimaha dibada

3-Mahdi Maxamuud Cali W/dowlaha arrimaha gudaha

4-Maxamed Rashiid Sheekh Daahir W/Dowlaha Maaliyada

5-Maxamuud Ismaaciil Barqadle W/Dowlaha Horumarinta Iyo Adeega Bulshada

Magacyada 20ka Wasiir kuxigeen

1-Eng maxamed Aadan Axmed  W/kuxigeenka arrimaha Dibada

2 Jamaal Axmed Barrow W/ ku xigeenka arrimaha dibada

3 Xasan Ibraahim Maxamed W/ku xigen arrimaha gudaha

4 Jaamac Axmed Maxamed W/ku xigen arrimaha gudaha

5 Maxamed Xasan Aadan W/ku xigen maaliyada

6 Abuukar Xasan Cali W/ku xigen maaliyada

7 Bashiir Maxamed jaamac W/ ku xigeenka horumarinta

8 Maxamuud Macalin Yaxye W/ku xigeenka hormarinta

9 Fahmo Axmed Nuur W/ku xigen cadaalada

10 Xasan Maxamed Jimcaale W/ku xigeenka cadalada

11 Nadiifo Maxamed Cusmaan W/ku xigeenka howlaha guud

12 Cali Shekh Maxamed W/ku xigeenka howlaha guud iyo gaadiika

13 Siciido Xasan Cusmaan W/ku xigeenka Qeyraadka

14 C/raxmaan Maxamed Geedi W/ku xigeenka Qeyraadka

15 Axmed Maxamed Maxamuud W/ku xigeenka gaashaandhiga.

16 C/raxman kulmiye Xirsi W/ku xigeenka Gaasgaandhiga

17 C/qadir Sheekh Ismaacil W/ ku xigeenka Ganacsiga

18 Maxamed Cali Xagaa W/ku xigeenka Ganacsiga

19 C/shakuur Cali Mire wasiir ku xigeenka warfaafinta

20 Ibraahim Isaaq Yaroow wasiir ku xigeenka warfaafinta.

Marka laysku daro liiska golaha wasiirada guud ahaan waxay noqonayaan ilaa 35 wasaaradood waana Xukuumadii ugu Koobneed marka loo fiiriyo doowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya loo soo dhiso tan iyo burburkii.

Gollahan wasiirada lamagacaabay oo isugu jira wasiiru-dowlayaal iyo wasiiro ku xigeeno ayaa micnaheedu waxa uu yahay in doowlada hadda lasoo dhamaystiray, iyadoo uu jiro murano aad u farabadan oo qaar kamid ah beellaha Soomaaliyeed ay wax tabanayaan, hase ahaatee ay hadda u muuqaneeyso in wasiiradii lasoo kaabay.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (1)

Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.

  1. wa nin aha oo la dhaho TESTE waxa usheekh madax somaliya iyo mr wasaare saacid waxa ku sheekh ra,iisul anig oo aha madax somaliya af somaliya yo dhumin madax mr r wasaare saacid dugsiyad ha lu dheeko af somaliya hadi tahay Dowladda oo no dhalad hadi tahay waxa ha la sameeyo af kale saqo kum lehe/ mahadsn wa teste num wa kan 0044 79 602 10 704

Leave a Commnet