Xasan Shiikh:”Annaga iyo Ajnabiga wada-hadal nagama dhaxeeyo”

Updated About:2 years ago
0

Madaxweyne Xasan Shiikh oo wareeysi dheer dhinacyo badana taabanaya siiyay idaacada BBC-da qaybta Afka Soomaaliga, ayaa waxa uu kahadlay arimo farabadan oo ay kamid yihiin amniga, wadahadalada Somalia iyo Somaliland, iyo dhaqaalaha.

Mar la weydiiyay in wax wadahadal ah ay la galayaan al-Shabaab waxa uu sheegay in al-Shabaab ay isugu jiraan saddex qeybood labo qeybood oo Soomaali ah iyo qeyb ajnabi ah waxana uu sheegay kuwa ajnabiga ah in sinnaba uusan uga dhaxeyn wadahadal oo kaliya ay u furan tahay in ay dalka a isaga baxaan laakiin labada qeybood ee kale waxa uu sheegay cidii hubka iska dhigta ee nabad wax ku dooneysa in ay xaq u leeyihiin in ay bulshada dib ula midoobaan.

“Al-shabaab waxa kujiraa waa sadex qaybood ayay isugu jiraa, laba qaybood waa Soomaali midna waa Ajnabi, dadka ajnabiga ah ee Al-qaacidada ahna waxa naga dhaxeeya majiraan, waxaa naga dhaxeeyo ineey dalka nooga tagaan, wiilasha iyo gabdhaha katirsan shabaab waa wiilasheena waa gabdhaheena waana soo dhoweyneyna haday kasoo laabtaan falkaas” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh.

Wadahadalada Somaliya iyo Somaliland:

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa kale oo uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in ay dib u amba qaadaan wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda iyo Somaliland shaqsi ahaana uu filayo in natiijo wax ku ool ah ay ka soo bixi doonto.

Dhaqaalaha:

Dhinaca dhaqaalaha ay dowladdu ku tiirsan tahay waxa uu sheegay in ay ugu weyn tahay dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdishu iyo sidoo kale suuqyada magaalada taas oo uu sheegay in hadda ay horumarinayaan, waxana uu sheegay in sidoo kale ay jiraan qurbo joog Soomaaliyeed oo lacago toos ugu soo dira bangiga dhexe ee Soomaaliya si ay u caawiyaan dowladda.

“Annaga ilaa iyo hadda kaalmo calami ah oo kaash ah oo caalamka nooga timid majirto, daqliga caadiga ah ee soo galayay doowlada intiisa badana Dekada iyo Garoonka Muqdisho kayimaado oo aan hada dib uhabayn kuwadno ayaan ku shaqeeynaa” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale madaxweynaha waxa uu sheegay in doowlada ay akashato ganacsatada magaalada Muqdisho iyo qurbo joogta Soomaaliyeed ee dibada kunool oo lacago iska soo aruuriya taasoo Bankiga dhex lagu soo shubo.

Madaxweyne Xasan Siihk ayaa markii xilkaan loo dhaariyay waxa uu ballan qaaday inuu waxbadan ka qaban doono arimaha Ammaanka, dhaqaalaha iyo waxbarashada, waxaana hadda doowladiisa ay ku howlantahay sidii ay isbadal muuqdo ugu samayn lahayd amniga goobaha ay doowlada hada maamusho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet