Holland oo dib usoo celineeysa Qaxootiga Soomaalida {Warbixin}.

Updated About:1 year ago
0

Wasiirka qaxootiga wadanka Holland, oo la hadlayay baarlamaanka dalkiisa ayaa sheegay in Amaanka Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho aad usoo hagaagayo, dadka magan galyo doonka ah ee aan la qaabilina dalkooda dib loogu celin karo dhibaato la’aan.

Doowlada Holland ayaa joojisay ineey dalkooda dib ugu celiso Soomaalida magan-galyo doonka ah, iyadoo sababtaasna ay ugu wacnayd dagaaladii kajiray Muqdisho iyo nawaaxigeeda kuwaasoo adkeeynayay in magaalada iyo inteeda kale laysaga kala goosho.

Wasiirka qaxootiga Holland ayaa sidoo kale sheegay in wadamada, Sweden, Belgium iyo Germany ay dib ubilaabi doonaan celitaanka Soomaalida magan-galyo doonka ah ee aan wali lasiinin sharciyada dal kujooga, wuxuu kaluu sheegay in Soomaalida kuwii diida in dalkooda lagu celiyo laga yaabo in lagu xareeyo goobo amaankooda lasugay.

Wasiirka ayaa intaas ku daray inaan qofna dalka Soomaaliya lagu celin doonin inta baarlamaanka uu kasoo saarayo hadal ku aadan xaaladan cusub.

Tiro badan Soomaalida ah oo ku guul dareeysatay in magan-galyo laga siiyo dalka Holland ayaa dhawaanahan dhigayay banana-baxyo iyagoo ku doodaya ineey noloshooda Qatar galeeyso hadii ay ku noqdaan dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet