SOOMAALIYEY DOWLADNIMADU DULI KA ILAALIN IYO DIFAAC BAY RABTAA!!

Updated About:2 years ago
0

 Qormo xiise leh! Qalinkii Cabdullahi Calas Jimcaale

Qiimaha ay dowladi leedahey ma han wax la soo koobi karo, waana astaan muhiim ah oo utaagan jiritaanka ummadi leedahey.Inkastoo Somaliya ay lahaan jirtey Dowlad iyo Qaran qiimo badan dunida ku lahaa, shacabkuna ay ku noolaayeen xilligaas Nabad iyo farxad, hadane nasiib daro gacanteena ayey sababsatey dowladnimadeenii sababo kastaba haku timaadee,burburkii ku dhacay dowladnimada Somaliyana dhaxalkeedii wuxuu noqdey qabyaalad ku meereysi, Qab-qabqablayaal qariban, qabuurahoo la camirey, qaxootinimo, quursi iyo qalalaase taxane ah. 21-kii sano ee la soo dhaafey ee dowlad la’aanta sida aad ogtihiinba walaalaheyga Soomaaliyedow waxaan soo marey xaalado adag iyo dhibaatooyin baaxad leh oo damiirka beni’aadamka uusan xamili karin, jowrfalo xanuun badan iyo xadgudubyo lid ku ah xuquuqdeena, waxaa luntey sharafteenii, sido kale waxaa baylah noqdey qarankeenii.

Inkastoo dhibaatooyinkas soo marey ayna wali ay sii muuqdaan, hadana maanta waxaa wax lagu farxo ah in aan cagta saarney bilowga wadadii nabada iyo dowladnimada Soomaaliya maadaama aan haysano dowlad rasmi ah, baarlamaan iyo xukuumad.dowladaas bilowga ah waxay ubaahan tahay garabgal, toosin, caawin, difaac, iyo la xisaabtan, si ay ugu guulaysato howlaha loo idmadey ee dowladnimo ee dhinacyada horumarinta nabada, aqoonta, cadaalada iyo ilaalinta sharuucda dalka. Waxaa  nagu waajib ah hadaan nahey shacabka soomaaliyeed in aanan dayicin fursadaas oo ay garab istaagno dowladeena, caawimaada waqtigan ee ay dowladeenu ubaahan tahay ayaa ah caawin nabadgelyo, sababtoo ah hadaan nabada oo ah furaha nolosha la xaqiijin horumar lama hiigsan karo.

Marba hadaanu wada ogsoonahey qiimaha ay dowladnimadu leedahey su’aasha muhiimka ah ayaa waxay tahay qaabkee uwajahnaa in aan ilaalino, difaacno,caawinana dowladeena waqtigan?ugu horeyn aniga malaheyga waa in aan marka hore garowshiyo uyeelano kuna dadaalo midnimada dhexdeena ah, inagoo ka faa’iideysaneynaa waayo aragnimada weyn ee aan u leenahey midnimo la’aanta  iyo waliba dhibaatooyinka laga dhaxley. Waxaa hubanti ah hadaan la nimaado midnimo dhexdeena ah in aan yeelan karno karti inoo sahleysa anagoo wada jira inaan dhexda uxirano garabgalka dowladeena iyo ka qaybqaadashada horumarinta nabada wadankeena.

Su’aasha kale oo aan isleeyahay waa loo bahan yahay in aan isweydiino ayaa ah yaa hormuud ka noqon kara taageerida iyo caawinta waqtigan ee dowladeenu nooga baahan tahay? ugu horeyn dhalinyarada ayaa tiir dhexaad u ah doorkoodana waa u muhiim jiritaanka dowladnimo, waxaa kaloo iyana muhiim ah doorka wacyigelinta suugaan yahanada iyo fanaaniinta soomaaliyeed, doorkaasna waa saldhiga nabada iyo  dowladnimada, waxaa kaloo iyana muhiimadoodu ay aad uweyn tahay doorka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ka qaadan karaan nabada iyo dhisida dowladnimada wadankeena maadaama saxaafadu ay tahey saaxiibka koowaad ee bulshada. Xaqiiqdii waxaa suxufiyiinta Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay qaataan doorkooda oo ay shacabka Soomaaliyeed ka badalaan dhaqanka sugida wararka dagaalada una badalaan in shacabka ay ugudbiyaan warar nabadeed, kuwa horumarineed iyo waliba kuwa aqooneed,,ogaada walaalaheyga saxaafada magaceedaa waqtigan ku shaqeeyoow in ay taariikhi jirto, waxaana waajib idinku ah in aad QALINKIINA uduwdaan in qadiisu ay qorto waxa ugu wanaagsan ee laga hadlo ee ah Nabad iyo Horumar iyo ku baraarujin shacabkiina qiimaha ay leedahey wadaniyada, midnimada, ilaalinta sharciga iyo dhowrista sharafta qaranimada wadankeena. hadaad taas ila aqbashaan saaxibadeyda saxaafada ka shaqeeyoow waqtigan, waxaad noqneysaa hogaamiyayaasha nabada maanta, taariikh wanaagsana waad uga tageysaan wadankiina hooyo idinkana wanaagaas ayaa shacabkiinu idinku xasuusan doonaa.

Waxaa kaloo iyana doorweyn ka qaadan kara dhisitaanka dowladnimada iyo nabada wadankeena aqoonyahanada soomaaliyeed ha ahaadeen kuwa yaqaana aqoonta maadiga ah ama kuwa diinta amaba kuwa leh aqoonta waayo aragimo,,tusaale odoyaashu waxay bulshadooda la wadaagi karaan waqtiyadii ay u soo joogeen ee dowladnimada qiimihi ay laheyd, nabadi ay ku noolaayeen, farxadi ay haysteen dadku, sida loo qadarin jirey hogaamiyaasha nabada ee bulshada, qaabkii loo xalin jirey khilaafaadka, sida loo takoori jirey dadka caqabada ku ah nabada iyo wadanoolaanshaha bulshada. sidoo kale culumadeena diinta ayaa iyaha ah doorkoodu mid muhiim ah waana in ay bulshadooda baraan sida diinteena islaamku u qadarineyso nabada, sharafta iyo karaamada beniaadamka iyo waliba kala danbeynta iyo nidaamka dowladnimada,,tusaale waa in culumada bulshada ugudbiyaan in diinta islaamku ay tahey diin nabadgelyo, mid naxariis, mid wada tashi, mid asluuubeed,,waana in ay bulshadooda uxaqiijiyaan in aysan diinta islaamku raad ku laheyn argagaxin, dagaal iyo fidno abuurid, allane uu ugu jecelyahey dadkiisa midka ka shaqeeya nabada, midnimada ummmada iyo cibaadada alle, waana kaas midka janada ilaah ubalan qaadey dadkiisana taariikh wanaagsan uga tagaya.

Dadka aqoonyahanada ah ee leh aqoonta maadiga ah ayaa iyana looga baahan yahay in ay doorkooda ka qaataan horumarinta nabada iyo garab istaaga dowladooda, tusaale waxay abaabuli karaan oo ay qaban karaan wacyigelino iyo doodo aqooneed, kuwa taariikheed, kuwa qoraaleed iyagoo mar walba sal uga dhigaya uoloeynta nabada, dowladnimada, ilaalinta midnimada dadka, daryeelka bulshada, dhowrista sharciga, xushmeynta xuquuqda aadamiga iyo waliba difaaca qaranimada wadankena.

Waxaa hubanti ah hadaan si dhab ah uga shaqayno horumarinta nabada wadankeena hooyo, xaqiijinana midnimadeeda iyo wdajirkeena in aan ku noolaan doono farxad iyo nabad, oo aan waliba karti uyeelan doono in aan yeelano cod xoogan oo aan ku difaacno xuquuqaheena asaasiga ah ee aanu leenahey oo ay ugu horeyso xaqa ah inaan nabad ku noolaano, doorano hogaamiyayaasheena siyaasada, uga qaybgalno hogaaminta wdankeena si xor ah, karaamo iyo sharafna aan ku lahaano dunidan horumartey qarnigan.

Soomaaliyey isu dardaarankeenu waa darxumada iyo dulinimadoon ka baxno, diiftii hore oo aan halmaano, dagaal sukeeye iyo dagaal ooge oo aan diidno, daryeelkii dadkeenoo daneyno, dadnimadeena oo aan xaqiijino, daruus-nabadeed oo aanu dhigano, dalkeenoo aan dib udhisno, dar alle iyo diinteenu oo aan waheshano,dowladeena aan xoojino, dowladnimadeenuna Soomaaliyey duli ka ilaalin iyo difaac bay rabtaa.Ugu danbeyntii walaalaheyga Soomaaliyedow waa in aan cod dheer ku dhehnaa,,Nabad haa, Dagaal Maya, Dowladnimo Haa,,Dowladnimo Jir,,Dowladnimo Joog-Insha Allah!!

Qore: Cabdullahi Calas Jimcaale

Udoode Xuquuqda Beni’aadamka Soomaaliya

Tel: +356 99175408

E-mail: alas_hractivist@hotmail.com / alas.hrdefender@gmail.com

Malta.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet