Dad ku dhintay isbuurasho ka dhacday dalka Ivory Coast

Updated About:1 year ago
0

Ugu yaraan 60-qof ayaa ku dhintay in ka badan 200 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen intii lagu guda jiray dabaal-daga sannadka cusub ee 2013-ka.

Dadkan ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday caasimada Abidjan, sida ay lee yihiin saraakiisha.

Shilkan ayaa waxa uu dhacay goor hore oo maanta oo Talaado ahayd, kaddib markii dab uu qabsaday garoon ciyaareed oo ku yaalla degmada  Plateau .

Inta badan dadka dhintay ayaa la aaminsan yahay in ay da’dooda ka yer tahay siddeed illaa 15-sano.

Faah-faahinta shilka ayaa lagu sheegay in ay  tahay isbuurasho ka dhalatay dadkii goobta joogay, laakin weli waxa socda baaritaabo sida ay lee yihiin saraakiisha ammaanka, kuwaasoo illa ahadda aan la cadeyn.

Tirada dhimashada ayaa la filayaa in ay korarto sida ay lee yihiin hey’addaha caafimaadka.

Ku dhawaad 65,000 oo qof ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen garoonka markaas oo dab uu kakacay.

Garoonka ciyaaraha Felix Houphouet Boigny Stadium ayaa loo bixiyay markii la helay madaxweynihii waddank Ivory Coast.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet