Gerrard oo ku kalsoon in isbadal ay la timaado 2013 Liverpool

| Wednesday, Jan 2, 2013 |

Xiddigga kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay kooxdiisa in ay la timaado sannadkab bilowday ee 2013-ka isbadalo waaweyn.

Gerrard ayaa isaga xiddigga kale ee Luis Suarez, waxay u dhaliyeen kooxda Reds min sagaal gool horiyaalka Ingiriiska Barclays Premier League.

Si kastaba,a xiddiggan wuxuu lee yahay sannadkan 2013 hami badan.

“Sannadka cusub ee bilowday waxa uu lee yahay wanaagiisa , waxana rajeenayaa in aan gaaro guulo la taaban karo.

“Aad ayaan ugu rajo weynahay in kooxda Liverpool ay gaarto meel wanaagsan horiyaalka hadda socda, waayo waxa aan ka adkaanay Aston Vila” ayuu yiri Gerard .

Kooxda Liverpool ayaa horiyaalka Ingiriiska waxa ay kaga jirtaa kala horreynta hoggaanka kaalinta 10-aad, in kastoo la sheegay in ay horrumar sameesay marka loo eego bilowga horiyaalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Waxaa Aqriyay (0)

Hoyga Wararka Midnimo.com
Email : webmaster@midnimo.com - midnimo12@gmail.com
Tags:

Leave a Reply


error: Content is protected !!