Kismaayo oo Lagu Qabtay Rag Watay Walxaha Qarxa

Updated About:2 years ago
0

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay qabteen Rag watay walxaha qarxa,kuwaasoo lagu soo qabtay howlghalo ay fuliyeen ciidamada.

Ciidamada amaanka ayaa la sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ragaan xili ay wateen walxaha qarxa, waxaana la sheegay inay falal amaan xuma ah ka geystaan magaalada Kismaayo.

Saraakiil u hadlay Ciidamada Dowlada ayaa sheegay in howlgalo ay ka fuliyeen ciidamada amaanka xaafada Farjano ilaa Dalacada ay ku soo qabteen dhalinyaro gaareysa 12,kuwaasoo watay walxaha qarxa.

Col Axmed Diini oo ka mid ah saraakiisha Dowlada ee ku sugan Kismaayo ayaa shaaca ka qaaday in ay qabteen dhalinyaradan wadatay walxaha qarxa,isagoo sheegay inay ahaayeen 12 dhalinyaro.

” Howlgalku waxa uu ahaa mid amaanka lagu sugayo,waxana ku soo qabanay dhalinyaro ku hubeysnaa Bastoolado iyo walxaha qarxa ” ayuu yiri Sarkaalkan u hadlay ciidamada Dowlada ee Kismaayo.

Col Axmed ayaa sheegay in howlgalada ay sii socon doonaan inta laga xaqiijinayo amaanka magaalada Kismaayo.

Tan iyo marki ay Kismaayo gacanta u gashay ciidamada huwanta waxaa ka dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheysan, waxaana ugu dambeeyay dilalkaasi, dilkii loo geystay allaha u naxariistee afayeenki Beesha Sade Daarood oo lagu dilay magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet