Kulamo Amaanka looga hadlayay oo kusoo gaba gaboobay Bosaso

Updated About:2 years ago
0

Kulamadaani oo ay soo qaban qaabiyeen Hay’ada DRS iyo Wasaarada Amniga Puntland ayna kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Nabadoonada Odayaasha iyo waxgaradka islamarkaana mudo labo Maalmood ah kasoconayay Xarunta Gobolka Bari ee Bosaso ayaa waxaa looga hadalayay Amaanka Puntland gaar ahaan Gobolka Bari.

Mudadii ay socdeen Kulamadaani ayaa waxaa ay Odayaashu uga wada hadlayeen sidii la iskaga kaashan lahaa sugida Amaanka iyo Xasiloonida Gobolka waxaana ay Odayaasha isla meel dhigeen muhiimada Amaanka iyo in loo baahanyahay kawada shaqayntiisa.

Odayaasha ayaa waxaa Mudadii ay soconayeen kulamadaani waxaa ay kawada hadlayeen qaabkii looga wada shaqayn lahaa Amaanka iyadoo ay is kaashanayaa Ciidamada Amaanka iyo Qayba Bulshada.

Kulamadaani oo Maanta lasoo gaba gabeeyay ayaa waxaa Gaba gabadiisa goob joog ka ahaa Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan Wasiir kuxigeenka Arimaha Gudaha Puntland Cali Yuusuf (Cali Xoosh).

Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo Gaba gabada Kulamadaani Amaanka looga hadalayay ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Dadka Reer Puntland ay yihiin Dad Bisil oo Nidaamka iyo kala danbaynta Jecel waa sida uu Hadalka u dhigaye waxaana uu intaasi raaciyay Wasiirku in hada kadib laga gudbay Nidaamkii wax kuqaybsiga Beelaha loona gudbay Nidaamka Xisbiyada badan haatana lix xisbi ay diiwaan gashan yihiin.

Dhageyso Warbixinta Kulamada Amaanka Cabdrixmaan Sanka

PlayPlay

Khaliif ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in Qof walba oo Xisbi leh uu xaq uleeyahay in Amnigiisa la sugo uuna qabsan karo Kulamo iyo Safaro uu kumaro Deegaanada cid Amaankiisa kashaqaysana la raacin doono maadaama uu si Sharci ah kusocdo waa sida uu hadalka udhigay Wasiirkuye.

Dhanka kale waxaa isna ka hadlay Gaba gaba Kulamadaani Amaanka looga hadlayay Wasiir kuxigeen Arimaha Gudaha Puntland Cali Yuusuf (Cali Xoosha) waxaana uu Odoyaasha ku Amaanay sida hagar la’aaneed ee ay mar walba ugu taagan yihiin sugida Amaanka aysana wax Dhaliil ah usoo jeedinayin maadaama ay uga Muuqato Nabadjacayl Wanaag Fiicnaan iyo Horumar waa sida uu sheegay Xoosh.

Dhanka kalana waxaa uu sheegay Wasiir Kuxigeenku in ay jiraan Dad si Khaldan wax uraadinaya ayna suura gal ahayn in marna wadada looga leexdo wadadana loogali doono waxaana uusheegay in ay soo dhawaynayaan wixii ay Odayaashu doonaayaan in ay kala taliyaan ama ay doonayaan in ka odayaal ahaan loogala qayb qaato aysana jiro doonin isku raacasho wixii laqaban waayo.

Sikastaba ha ahaatee Kulamadaani Mudada Labada Maalmood ah kasoconayay Magaalada Bosaso ayaa waxaa ay kusoo aadayaan iyadoo Mucaaradka iyo Siyaasiyiinta utaagan xilka Madaxtinimo ee Puntland ay doonayaan in Doorasho ay qabsoonto Maalmaha nagusoo aadan hadii kala uu dalka Bur bur gali doona waa sida ay sheegeen qaar kamida Siyaasiyiinta Xilka.

Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan

Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan

Wasiir kuxigeenka Arimaha Gudaha Puntland Cali Yuusuf (Cali Xoosh).

Wasiir kuxigeenka Arimaha Gudaha Puntland Cali Yuusuf (Cali Xoosh).

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet