Liverpool oo la soo wareegtay Sturridge

Updated About:2 years ago
0

Kooxda Liverpool ayaa shaacisay in la soo wareegtay weerraryahanka kooxda Chelsea iyo xulka qaranka Ingiriiska Daniel Sturridge kaasoo maalmahan la hadal hayay in ay la wareegi doonto kooxda ka dhisan garoonka Anfield.

“Sharaf wayn ayey ii tahay in aan imaado halkan” ayuu u sheegay 23-jirkan boogga kooxda   liverpoolfc.com 

Waxa la sheegay in labo sano oo xiriir ah uu la saxiixday kooxda Liverpool, laakin wuxuu yiri kaliye ma ahan in labo sano uun aan heshiis saxiixay, ee waqti dheer ayaan halkan joogi doonaa kooxdana waa mid ka mid kuwa ugu fiican dunidda.” ayuu yiri markale.

Sturridge ayaa seddax sano horrey uga soo shaqeeyay kooxda Manchester City ka hor inta uusan ku soo biirin kooxda Chelsea  sannadkii 2009-ka, laakin sannadkii 2011-kii ayuu si ammaah ugu biiray kooxda Bolton.

Wuxuu yiri in aan Anfield u soo wareego waxa ay ka dhigan tahay in aan imid kooxda ugu taageero badan adduunka aad ayey ii farxad galineysaa arrintaas.”

Sturridge, waxa uu noqday xiddigga kaliye ee horiyaalka Premier League ee dhaawac noqday xilligan. Laakin waxa ay hey’addaha caafimaadka sheegayaan in la filaayo in Liverpool uu u ciyaari doono xiddiggan bisha soo socota.

Sturridge ayaa dhaliyay 13-gool dhammaan ciyaaraha u ciyaaray kooxda  Chelsea xilli ciyaareedkii hore, oo ay ku jiraan 11 uu ka dhaliyay horiyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Waxa uu xirfadiisa ka soo bilaabay xiddiggan kooxda Coventry City ka hor inta uusan u soo wareehin kooxda Manchester City sannadkii  2006 , wuxuuna markaas jiray 16-sano, waxana uu ku kacaayay lacag gaareysa illaa £50,000.

Waxa uu noqday xiddigga ugu goolasha badan ee kooxda City , waxana uu ka tagay sannadkii 2008.

Sturridge ayaa 32-kulan u soo ciyaaray kooxda  Manchester City, waxana uu u dhaliyay illaa lix gool ka hor inta uusan u soo wareegin  kooxda  Chelsea.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet