Madaxweynaha Jamhuuriyada oo Lagu Wado inuu kulan la Aaato Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Sudan

Updated About:2 years ago
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Dalka Suudaan ayaa kulan la qaadan doona jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa inay galabta la qaataan kulan xasaasi ah jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka suudaan,gaar ahaan kuwa sugan caasimada Khartuum.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa caawo sharaf kula balansan xarunta madaxtooyada dhigiisa Suudaan Cumar Albashiir,waxaana wafdi madaxweynaha lagu wadaa in wixii bari ka dambeeya ay u soo ambabaxaan magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.comĀ midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet