Nin Shacab ah oo Lagu Dilay Magaalada Magaalada Kismaayo ee Xarunta J/hoose.

Updated About:2 years ago
0

Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxay ku dileen nin la sheegay in uu shacab ahaa, iyadoo sababta loo dilay ilaa iyo hadda la garan la’yahay.

Ninkaan la dilay ayaa Dukaan ku iibin jiray Kismaayo, waxaana dilkiisa ka dambeeyay rag wejiyada soo xirtay, iyagoo baxsaday dilkaasi ka dib markii ay geesteen.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa deg deg halkaas baaritaan uga sameeyay, waxaana ay qabteen nin la tuhunsanyahay inuu ka mid ahaa dadkaasi.

Xaaladda guud ee Kismaayo saaka waa caadi mana jiraan qalalaasyo iyo dhibaatooyin halkaasi ka jira.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet