Qeybtii 1-aad Taarikhda EX-Goolhaye Jeylaani Maxamed Khaliif (Baabajeey)

Updated About:1 year ago
0

Akhristayaal waxa ay Shabakadda Midnimo bilowday barnaamij la magac-baxay Xusuusta xiddiggaha kubadda cagta Soomaaliya.

Haddaba toddobaadkan waxan idiin bilaabi doonaa,qaybtii ugu horeeyay taarikhda,goolahayihii ugu horeey ee gool u qabtay xulka kubadda Cagta  Soomaaliya Jelaani Khaliif Maxamed Cali.

Jeylaani Khaliif ayaa,ahaa goolhayihii ugu horreeyay ee xulka Kubadda cagta soomaaliya soo maray,

Wixii ka dambeeyay dagaaladii sokeeye ee laharay sharaftii uu lahaa dalka Soomaaliya,waxa ay saamayn-wayn ku yeesheen dhammaan dadkii magaca ku dhaxlahaa bulshada Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah dadkaasi,waxaa hubaalti ah,in ay ku dhinteen dagaaladaasi,iyadoo xitaa  ay jiraan kuwo ku waayay xubnaha muhiimka ee jirkooda.

Hadab waxan idiin bilaabi doonaa qaybtii ugu horeyay wareesi dheer oo aan kula yeelanay goolhaye Jaylaani Khaliif oo dadbadan ay isdhihi lahaayeen markii la iswaayay halka uu ku noolyahay goolhaye Jaylaani Khaliif

Jaaylaani oo ku dhashay degmada Boondheere ee gobalaka banaadir, ayaa hada isaga qayskiisa ku nool meel 7 KM ka xagesa Degmada Afgooye ee gobalka shabeellaha Hoose,waxaana jirtay waqti xanuun dheer uu soo maray,kaas oo u horseeday Goolhaye baaba jeey in qaado wax lagu siiyo,kadib markii uu sariir jiifay in kabadan 6 sano

Xannunuunadaasina waxaa inta badan ay ka soo gaareen intii uu kuguda jiray Sports-ka, laakin waxaa sheegis mudan in baaba jeey uu hadda caafimaadkiisa wanaagsan yahay.

Waxaana dadbadan ay iswaydiin karaan waxa hada uu qabto Goolhayihii ugu horeeyay ee qaranka kubadda cagta gool uqabta,lakin waxan ku soo koobi lahayn in uu nowadays qof beeraleey ah.

Wuxuu u soo ciyaaray xulka Qaranka Soomaaliya iyo kooxdii heerkii koobaad ee Horseed, waxa uu noqday xiddig si wayn uga dhex-muuqday ciyaaraha waddamada Africa.

Waxa uu guulo la gaaray kooxda Qaranka Soomaaliya iyo kooxdii uu ka tirsana ee Horseed oo ka mid ahayd kooxihii caanka ee ka jiray waddanka.

 La soco qeybta labaad taarikhda Goolhaye Jeylaani Khaliif Maxamed Cali……………..

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet