Real Madrid :Ronaldo waxa la siin doonaa mushaarka uu qaato Messi oo kale

Updated About:139 days ago
0

Madaxweynaha kooxda Real Madrid  Florentino Perez ayaa sheegay aan la hubin in heshiis cusub lala galaayo xiddigga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo .

Waxa soo baxay warar sheegayaa in Ronaldo ay la soo xiriireen kooxaha  Manchester United, Manchester City iyo PSG, kuwaasoo raba ciyaaryahanka in uu u ciyaaro xilli ciyaareedkan.

Si kastaba, isagoo la hadlaayay ABC ayuu sheegay  Florentino in ay rajeenayaan in uu badalo maxskadda Ronaldo iyadoo mushaar cusub oo gaaraya illaa €16 million (oo ay ku jiraan lacago bonuses) waana mushaarka uu ku ciyaaro halyeeyga kooxda Barcelona Lionel Messi.

Ronaldo ayaa markii ugu dambeesay waxa uu dalbaday bishii September mushaar gaaraya illaa €12 million-iyo heshiis halsano ah, laakin arrintaas isbadal wayn ay ku sameesay kooxda Real.

Waxa ay rabtaa kooxda in ay kala jabiso shukaansiga hadda lagu hayo ciyaaryahanka o dalabkiisa kor ayeeba u qaaday sidaas waxa sheegay warkiiilka ciyaaryahanka.

Waayo markii hore waxa uu doonayay in jeebka loo galiyo €11.8 million-hal sano laakin hadda waxaba la yiri wax qaado illaa €16 million oo weheliyaan bonuses.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet