Wasiirka Gaashaan-dhiga oo goordhow gaaray Baydhabo

Updated About:2 years ago
0

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga doowlada Soomaaliya ayaa goordhow ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Sida aan ku heleeyno wararka ujeedada wafdigaan ayaa lagu sheegay sidii lacago mushaarad ah loo gaarsiin lahaa Ciidamada doowlada eek u sugan gobolka Baay.

Wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi, ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehliya Taliyaha ciidamada XDS iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Wafdigan ka socda dowladda ee gaaray Baydhabo ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka mas’uuliyiinta gobolka Baay iyo ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Wasaarada gaashaandhiga ayaa sidoo kale dhowaan mushaaraad ka qeybisay gobolka Gedo,  oo ay ku sugan yihiin ciidamo iyo maleeshiyaad dawlada magaceeda ku hawlgala.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah dib u habeynta ciidamada dawlada magaceeda ku shaqeeya, waxaana bixinta mushaharkan uu ku soo beegmay labo maalin ka dib markii baarlamaanka uu ogolaaday miisaaniyada cusub ee dawlada ee sanadka 2013 taasoo wax xoogaa kharash kordhin ah loogu sameeyay wasaaradaha gaashaandhiga iyo arrimaha bulshada.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet