Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in xiisad dagaal oo aad u daran laga dareemaayo degmadaa taa oo u dhaxeysa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa inay ku dhawyihiin Baardheere, Al-shabaabna waxay bilaabeen inay difaacyo xirtaan, waxaana xaaladda ay tahay mid aad iyo aad u cabsi ah.
Shacabka ku dhaqan Baardheere ayaa ah kuwo baqaaya in dagaalo ay halkaasi ka dhacaan, waxaana la sheegay in saraakiisha Al-shabaab ay badi degmadaasi isaga baxeen.
Wixii soo kordha Warculus.com kala soco.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com