Allegri oo ku baaqay in la joojiyo midab takoorka

Updated About:1 year ago
0

Macalinka naadiga Rossoneri ee ka dhisan dalka Talaayinka ayaaa ka carooday arrin xun oo lagula dhaqaaqay Kevin-Prince kaddib ciyaar saaxibtinimo oo ay la yeesheen kooxd Boateng.

Ciyaarta ayaa la joojiyay markii la duray midabka ciyaaryahanka reer signal taasoo keentay in ciyaar la joojiyo lagana dareeray.

Ciyaarta ayaa socotay qaybtii koobaad, markaas ayaa kubad ku dhacday goob ay joogeen kooxda oo gurigooda lagu ciyaarayay la aflagaadeeyay 25-jirkan Prince.

Waxana dabeed go’aan uu qaatay ciyaaryahanka la qaatay dhammaan macalinka iyo kooxda oo garoonka isaga soo baxay.

Mar dambe oo uu la hadlay saxaafadda ayuu macalin Allegri yiri waxaa loo baahan yahay in la joojiyo midab kala sooca ka dhex jirta kubadda.

“Aad ayaan uga niyad jabnay waxa dhacay ,”ayuu yiri  45-jirkan oo la hadlaayay saxaafadda markii ciyaarta la istaajiyay.

Wuxuu intaas ku daray in Milan ay u ciyaareysay kubadda si qadarin leh, laakin aad ayaan uga xumaanay ayuu yiri waxa ay sameeyeen taageerayaasha kooxda , waxan u nimid garoonka kubad quxux badan laakin ma dhicin” ayuu markare yiri Allegri.

“Waxan u ballaan qaadnay in garoonka aan dib ugu soo laabaneyno laakin wax go’aan ah nama siin ciyaartoyda iyo taageerayaashooda sidaas ayaan ciyaarta uga soo baxnay.

Arrintan oo kale waxa ay horrey u qabsatay Kabtanka kooxda Manchester City  Vincent Kompany  laakin ganaax iyo ciqaab ayaa la marsiiya kuwii sidaas sameeyay.

Isaga ayaa ka hadlay arrintan waxana war uu soo galiyay Twitter uu ku yiri aad ayaan uga xumahay wixii ay sameeyeen  Boateng oo ah wax ka dhan ah bini’aadinimada.

Inta badan waa wax caado ka noqotay kubadda cagta in ciyaartoyda asal ahaan ka soo jeeda Afrika la duro midabkooda, taasoo keentay in uu abuurmo caro iyo is-naceen ka dhex jira cadaanka iyo madowga, taasoo ay dhowr jeer ay isku dayeen in la joojiyo xiriirada kubadda adduunka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet