Balotelli iyo macalinkiisa Mancini oo is-ku qabtay xerada tababarka

Updated About:2 years ago
0

Sida lagu arkay maanta boggaaga ciyaaraha, waxa gacanta isula tagay xiddiga reer Talyaani ee u ciyaara kooxda Manchester City Mario Balotelli  iyo macalinkiisa Roberto Mancini.

Waxa ay isku qabteen khamiista saaka xerada tababarka kooxda, waxana la arkayay iyagoo isku dhagdhagaya, markii dambana waxa soo dhex-galay shaqaalaha garoonka.

Mario Balotelli  ayaa ah xiddig caro badan oo dabeecada ka aradan sida ay lee yihiin ciyaaryahanada ay isku kooxda yihiin.

Dhower jeer ayaa isaga macalinkiisa reer Talyaani ee Roberto Mancini ay isqabteen.

Sida ay lee yihiin saxaafadda maalmahan wuxuu kacaga jiidayay tababarka, iyadoo dhowr jeer ay qoorta isku galeen macalinkiisa.

48-jirka macalinka u ah kooxda Man City ayaa la sheegay in xiddiga uu u sheegay dhowr jeer in uu ka cayaaro qadka dhexe ee weerrarka.

Laakin arrintaas waxa ka dhaga adeegay ciyaaryahanka oo hadda lee lahay waxa laga yaabaa in bishan January uu ka dhaqaajiyo kooxda Manchester City, isagoona u socda kooxda AC Milan.

Ciyaaryahanka 22-jirka ayaa la sheegay in xirfadiisa kubadda ay la hartay dabeecad xumo heesato, taasoo sumcadiisa dhulka la gashay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet