B/weyne:Al-shabaab oo weerartay Xaflad Aroos

Updated About:1 year ago
0

Hal qof ayaa dhintay, 4 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo, kadib markii ay Al-shabaab weerar ku qaaday Xaflad Aroos oo kadhacaysay deegaanka lagu mmagacaabo “Buucoow” ee gobolka Hiiraan.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay arkayeen dagaalyahano hubeysan oo katirsan Al-shabaab iyagoo rasaas xoogan ku furaya dad isugu soo baxay goob Xaflad aroos ahayd oo kadhacaysay deegaanka Buucoow, waxaana halkaas kadhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka dhintay ama dhaawacmay ayaa gabi ahaanba waxay ahaayeen haween, waxaana qaarka dhaawacmay loo qaaday Isbitaalka magaalada B/weyne si halkaas loogu soo dabiibo.

Ilaa iyo hadda macadam sababta Al-shabaab ay u weerareen Xafladaas aroos, laakiin waxaa ujiray weerar sidaanoo kale ah ay ku qaadeen Xaflad aroos oo kadhacaysay degmada Ceel-buur, waxaana ku dhintay haween farabadan qaarna wey ku dhaawacmeen.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadeeysaa xili Al-shabaab ay cadaadis adag kala kulmayaan Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM, waxaana bilihii ugu danbeeyay lagala wareegayay magaalooyin iyo degmooyin farabadan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet