Madaxweyne Obama oo Dhallinyarada Mareykanka Uga Digay Al-qaacidda

Updated About:2 years ago
0

Madaxweynaha Mareykanka ayaa khudbadiisa sanadka ugu baaqay dhallinyarada muslimiinta ah ee Mareykanka jooga inaanay taageerin argagaxisda lamidka ah kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dlka Mareekanka Barrack obama ayaa sida lagu daabacay wargeyska Washington Post waxa uu digniin u diray dhalin yarada Soomaali Mareekanka ah ee ku dhaqan waddankaasi.

Madaxweyne Obama ayaa uga digay dhalinyaradaasi in ay ku biiraan ururka Al-qaacidda taasi uu sheegay in ay leedahay halisteeda isagoo ku booriyay in ay ka fikiraan Masiirkooda dambe.

Obama ayaa waxa uu tilmaamay in dowladda Mareekanka ay ka warheyso dhalin yaro badan oo la marin habaabiyay oo u kicitimay Soomaaliya si ay uga bar bar dagaalaaman ururka Al-shabaab oo ka tirsan ururka A-qaacida.

Madaxweyne Obama ayaa dhanka kale tibaaxay in ay diyaarin doonan hey’ado lasocda xaaladaha dhalinyarada Soomaalida ee ku nool dalka si ay uga warqabaan dhaq dhaqaaqyadooda.

Hadalka mdaxweyne Obama ayaa yimid xilli Dalka areekanka dhowr Jeer xukunno kala duwan loogu riday dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo hestay inay xiriir dhow ay la leyihiin ururka Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet