Waa side ka ganacsiga Kallunka? Warbixin iyo Sawiro

Updated About:1 year ago
0

Ka ganacsiga kalluunka waxa uu kiamid yahay qayraadka uu ILLAAHEEY ku maneystay dalkeena, boqolaal Xoogsato ah ayaana maalin walbo qutul yoonkooda ka raadsada badda iyagoona soo jilaabta Malaayga qaybihiisa kala duwan.

Mar aan maanta howl shaqo ku tagnay Kawaanka Malaayga ee X/weyne, ayaan waxaan u kuur galnay ka ganacsiga Kallunka iyo qaybihiisa kala duwan, iyo sidoo kale qiimaha la’iibiyo.

Maxamed Cali Axmed, waa mid kamid ah ganacsatada Malaayga ku iibisa Kawaanka X/weyne, waxa uu noo sheegay in maalmahaan uu aad isku soo tarayay ka ganacsiga malaayga, waxa uuna ku sababeeyay badda oo furantay iyo dadkii oo aad u iibsanaya Hilibka Malaayga.

Sidookale waxa uu noo sheegay in dadka Iibsada Malaayga ay ubadanyihiin dadka qurbahakayimid.

“Walaahi ninyahow anaga hadda Malaayga waxaa aad nooga Iibsada dadka ka’imaaday dibadaha, aad ayayna ujecelyihiin Cunista hilibka Malaayga” ayuu yiri Maxamed.

Nuucyada Malaayga iyo Qiimaha la’iibiyo:

1-Yuunibiga Kiiladiisa waxaa la’iibinayay=150-160shs.

2-Jeeydal Kiiladiisa waxaa la’iibinayay =120shs.

3-Gaanbir Kiiladiisa waxaa la’iibinayay =100shs.

4-Canbarshe Kiiladiisa waxaa la’iibinayay =80shs

5-Subagl Kiiladiisa waxaa la’iibinayay e=70shs.

6-Tartabo Kiiladiisa waxaa la’iibinayay =70shs.

7-Sanuura Kiiladiisa waxaa la’iibinayay =50-60shs.

8-Yaxaas Kiiladiisa waxaa la’iibinayay =70shs.

9-Yuunbi-baxareed Kiiladiisa waxaa la’iibinayay =120shs.

10-Dhiigloow Kiiladiisa waxaa la’iibinayay =50-40shs.

11-Cawir Kiiladiisa waxaa la’iibinayay =80shs.

12-Gaangish Kiiladiisa waxaa la’iibinayay =40shs.

13-Saafid Kiiladiisa waxaa la’iibinayay =25-30shs.

14-Qashaar Kiiladiisa waxaa la’iibinayay =15-20shs.

15-Qubo Kiiladiisa waxaa la’iibinayay =60-70shs.

16-Dhuubaan Kiiladiisa waxaa la’iibinayay =10shs.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet