William Hague: “Waxaan Xoojin doonaa taageeradeena Soomaaliya”

Updated About:1 year ago
0

Kadib kulan ay maanta ku qaateen magaalada  London wasiirkarka arimaha dibadda Soomaaaliya ahna Ra’iisulwaswaare Kuxigeenka Marwo Fowsiyo Xaaji Aadan iyo wasiirka arimaha dibada Britain William Hague, ayaa mr Hague waxa uu sheegay ineey adkeeynayaa xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya islamarkaasna ay si buuxda u taageerayaan.

William Hague, waxa uu ballan qaaday ineey si xoog ah utaageeri doonaan Soomaaliya, iyo ineey hay’adaha doowlada kala shaqayn doonaan ineey markale dib isku taagaan, waxa uuna ku cel celiyay arimaha gargarka.

“Boqortooyada Ingiriiska waxay noqon doonta Saaxiibka Xoogan e shacabka Soomaaliyeed, waxaana laba laabi doonaa taageeradeena diblomaasi iyo mida gargaar laga bilaabo sanadka 2013” ayuu William Hague kusoo qoray boga uu kuleeyahay Twitter-kiisa.

Marwo Foowsiyo oo iyadana hadashay kadib shir ja’raaid ay wada qabteen ayaa waxay sheegtay in kulankooda uu ahaa mid miradhal ah, arimo muhiim ahna ay isla soo qaadeen.

“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay kulanka aan la qaatay William Hague, wuxuuna ahaa wadahadal aad usareeya waxaana kahadalnay waxbadan, sida arimaha amaanka, Cilaaqaadka labada wadan iyo Safaaradihii oo dib loo furi doono” ayay tiri Marwo Fowsiyo.

William Hague, ayaa balanqaaday in doowlada Britain ay hada wixii ka danbeeya xooga saari doonto Xiriirka Soomaaliya iyo taageerida isbadalada wadanka kahanaqaaday, waxa uuna sheegay in xiriirkaas oo xoogeeystay tan iyo wixii ka danbeeyay shirkii London loogu soo gabagabeeyay Soomaalida 23-kii February.

Safaaradii Soomaaliya London oo dib loo furayo:

Wasiirada arimaha dibadda Fowsiyo Xaaji Aadan, ayaa soo hadalqaaday in kulanka ay la qaadatay William Hague, ay iskula soo hadal qaadeen sidii ay Soomaaliya markale Safaaradeeda dib uga furi lahayd magaalada London, sidii ay dib uga qaadan lahayd arimaha dibadda iyo xiriirka labada wadan.

Marwo Fowsiyo si rasmi ah uma sheegin xiliga ama waqtiga Safaarada Soomaaliya laga furayo London, laakiin uu qayb ka ahaa wadahadalkooda, layslana gartay in dib loo howlgaliyo.

Shir bisha May kadhacaya London:

Wasiirada arimaha Dibadda Soomaaliya iyo Britain, sidookale shirkooda jaraa’id waxay ku sheegeen in kulankooda uu gogol xaar uyahay shir bisha May ka dhici doona magaalada London kaasoo xooga ama diiradda lagu saari doono Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa xoogiisa looga hadli doonaa arimaha Kaalmada iyol sidii loo taageeri lahaa doowlada Cusub uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Shiikh, waxaana laga yaabaa in kulankaas uu kasoo qayb galo madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha.

Socdaalka ay Marwo Foowsiyo kujoogto London ayaa noqonaya kii ugu horeeyay tan iyo markii xilkan loo magacaabay, sidokale waxay sheegtay in qorshaha ay ugu jirto kulan ay la qaadato wasiirka arimaha dibadda talyaaniga, kaasoo qayb ka ah socdaal ay ku mareeyso dalal katirsan midowga Yurub.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet