Xoorka Saxaaraha iyo Xasuuqa Safaanaha

Updated About:2 years ago
0

Mar keliya ayay asxaabtii ardaaga wada fadhiday aamuseen. Kaftankii iyo jareexadii ay talantaaliga isu waydaarsanayeen hakiyeen.

Daymaddooda middeeyeen oo muuqaal aragooda ku dhegay wada jalleeceen. Iyagoon is ogayn oo mid kastaaba moodayay inuu keli ku yahay aragtida sawirka jawigii haasaawahooda bedelay, ayay isku mar ku dhawaaqeen, ‘’ Ax..Ax..waar bal eega arxan darada iyo axmaqnimadda intaa le’eg ee la samaynayo, caano iyo nabad waaya’’. Dareen iyaga wadnahooda iyo dulmanaha ay muuqaalkiisa daawanayeen isku xidhayay baa jiray.

Mid dhaqday iyo mid aan dhaqanba lexejeclaa ka hadlisay, taasina waa ta keliftay inay ka xumaadaan oo weedhahaasi ka soo yeedhaan. Laakiin halkay ku sugan yihiin iyo meesha ficilkaa ay ka damqadeen uu ka dhacay, laba kala fog weeye. Bari iyo bogox(galbeed) ayaa la kala joogaa. Kumannaan kun oo mayl weeye masaafada u dhaxaysaa. Inay habaar iyo haaraan hawada u mariyaan mooyaane, ma samayn karaan wax kale oo intaa dhaafsiisan oo jawaab u noqota cidda ficilkaa dhibay samaynaysay.

Tiro ahaan 10-nin way gaadhayeen ragga ardaaga fadhiyay. Is aqoon kaftan wadaag leh oo markay is haleelaan maalmaha fasaxa afka isu furta oon isu hambayn weeye. Geel uma xeraysna oo ardaagu mid geel jire maaha. Waa ardaa magaalo, weliba waa mid qurba-joog. Baradu waa Oslo, beledkuna waa Norwey. Qofkii iyo camalkii ma kala hadhaan. sidaas oo kale mid soo tahriibay iyo mid kaleba, soomaalida qurbaha balwad iyo caado-ba dhaqamo badan baa la soo hayaamay oo midba meeshii la jooga. Qabyaaladda iyo qaadkuna waa ma hadhayaal wehel fiican ka helay soomaalida oo meel ay joogaan kama maqna. Sidaa darteed, qurba joogu haasawaha waxay uga laan gooyaan, Hargeysa, Muqdisho, Jigjiga, Jabuuti, gaarisa…marka roobku meelahaa ka hooro ayaa halkan(yurub iyo ameerika)dalaayadaha la furtaan. Markuu halkan ka tiixona dhibic caabisadda way xidhaan. inta ardaagan Oslo doonyaysata ee kaftanka ku wadaagtaana khayrkood bay wax la qabaan. Habeen iyo axwaashii, war iyo wacaal wixii soo yeedhay ayaa marba diiradda la saaraa. Qodobkani maaha mid isbedbedela mar mar iyo dhif mooyaane, hase ahaatee haasaawaha faan qaybsiga ahi ma kala kaxeeyo. Sida ciyaarta waallada ee geel-jiruhu gacmaha ka ciyaaro ama legdenka isbeejinta kurayda, mar xag laysu daayo iyo mar kaleba waa la arkaa dhexdooda. Sidaa aawadeed, habeenkani wuxuu ahaa mid la mid ah qaar badan oo hore. Shubaashu waa isla ceelkii. Maxaa u danbeeyay? Iyo waxaasaa dhacay iyo waxanaa dhacay, markii hal cabaar ah laysku tuurtuuray, ayaa dareenkii ardaagu mar keliya is bedelay. waxa bilowday barnaamij dareenkooda wadaajiyay humaag kale oo ka duwan kii u socday. Iskaa tusto hortooda taalay oo marka horeba shidnayd, laakiin aanay xiiso u qabin daawashaddeeda, ayaa mar qudha lagu wada jeestay oo wiilkooda(indhaha) iyo qalbigoodaba soo jeedisay. Wuxuu ahaa barnaamij muuqaal ah oo TV-ga Aljazeera,qaybta af ingiriisigu baahisay. Isla markaana ku saabsanaa Geella. Muuqaaladii u horeeyay ee furitaanka u ahaa filimka, ayaa midba dareen ka duwan ka kale ku salaamay ardaaga. Mid farxad ku bariidiyay iyo mid dhiilo-sidle oo cadho geliyayba, mid kastaaba fariin run ah buu tebinayay.

Muuqaalkii Koowaad

Biligtii u horaysayba wuxuu ku furmay geel hor weyn ah oo bidhaan wacan oo meel saxaare ah tooraynaya. waa saxaaraha boqortooyada Qatar. niman carbeed oo dharkii dhaqankooda xidhan ayaa hareera socday. caraabe xeradiisii haybsanaya ayuu u muuqday. Daymadiisu mid meel kale laga keenay oon ahayn kii jasiiradda carabta lagu yaqaanay ayay u ekayd. Nin degellada geel daaqeenka soomaalida aad u yaqaana, dhogortiisana hilaadin karaa, wuxuu u qaadan lahaa mulki carro-edeg laga keenay. Dhulkuu marayay bur iyo geed midna ma lahayn, balse calaf iyo biyo-ba fadhiguu ku helaa oo kal tabasho korkiisa kamay muuqan. Wuxuu socdaba wuu soo hoyday, la godlay, la lisay oo weel caano ka buuxaan oo xoorku ka sareeyo candhadiisa laga saaray. Dabadeedna inta loo fadhiistay la dhamay. Muuqaalkaasi wuxuu i geliyay xusuus dheer.

Ardaagaan fadhiyay kama kicin, hadana ruuxdaydu waxay u socdaashay degelo aad uga fogaa bartaan joogay oo aan marar badan mayrac iyo mirashaba geel ku raacay. Qawrax iyo Miyir baa hortayda yimi.waa laba halaad oo la ii lisi jiray, geella kale iiga tilmaanaa, dhiiqdooduna koriinkaygii hore qayb ku lahayd.hase yeeshee, xusuusi shalay ma soo celiso, safarkaasina ma sii dheeraan oo durba maanka soo dabaalay. Kelina kumaan ahayn ee mid layla magaabinayay ayuu u ekaa.

Sidii daymadaa il qabadka leh indhuhu ugu dheganaayeen, ayaa il bidhiqsi gudihii aragii ka soo booday shaashadii uu dheehashaddeeda ka go’i la’aa. Mid dacar iyo doogba ku kiciyay ardaaga ayaa bedelay muuqaalkii hore.

Muuqaalkii Labaad

Kamaradii na dul gaysay saxaaraha carbeed, waxay u duushay safaanaha Austarelia. Waxa bilawday qaybtii labaad ee filimka.farxadii hore waxa xigay murugo iyo muraara-dilaac. Saa waa boqolaal kadin oo Geel ah oo ka qurux badan kii hore, da’ kasta leh, cidna aan xero ugu jirin.isla markaana, Hal, Awr, Qaalin layliya, Qaalin ugub ah ,Nirgo, Baarqab iyo Koran, dhamaantood mid hays leh iyo mid toosanba dil lagu xukumay. rasaas nool lala dhacayo, yaacaya, shiishyahano cadaan ahina ay neef neef u tooganayaan.midba mar ciirayo markay ku dhacdo oo dhulka cuskanayo, maalmo kadibna dheecaankiisu carrada hoos gelayo.

Barnaamijkaa muuqaalka ahaa oo uu daadihinayay nin carbeed wuxuu muujinayay, in dawladda Austarelia ay la tacaalayso korodhka taranta Geella duurjooga ah ee dalkaa ku nool oo xiliga duubista la waday lagu qiyaasay hal milyan oo neef. Inkasta oo Adhi iyo Lo’ba lagu dhaqdo dalkaa, hadana, Geella xoolo ma moodaan oo ma dhaqdaan. Laga yaabaa soomaali badan in aanay taasi ka daadegin, balse waa jirto aan been ahayn.waxay u arkaan Geella mid dhibaato badan ku haya, mid deegaan iyo mid kaleba. taasina waa ta ay u sibir saareen go’aanka dilka ah oo ay ugu yeedhaan, hawlgalka yaraynta taranta Geella qalqaaliga ah. Waa naf la dhibay oo mararka qaarkood Geella duurjooga ah ee Austareelia wuxuu toore ku jiidhaa wixii uu ku beegmo, waxaanuu gaystaa khasaare. Malihii kama aha aargoosi, hadana, dareenkiisu ma moogana nacabkiisa oo kollay noole kasta kashiisu way taqaanaa bidhaanta cadawgeeda, midba meel uu dareenka didmada ku leeyahayba.
Waxa lagu tilmaamaa Geella xoolo amran oo kitaabka Alle ku soo arooray. Faa’iido iyo manaafacaad badan, mucjisooyin aanay xoolaha kale la wadaagina leh.’’xasbuna laah wanicmal wakiil’’ sidaa waxa ku celcelinayay weriyaha carbeed ee barnaamijkan soo saaray, oo u muuqday nin ka madluunsanaa ciqaabtaa xasuuqa ah.

Mar kale iyo Dooddii Ardaaga

Muuqaalkii xumaa daawashadiisa laguma sii negaan, wax badan oo uu xambaarsanaana lagama wada bogan, misna dood arrintaa la xidhiidha ayaa la yara wadwaday. Mid baa yidhi, ‘’Geellani waa keenii oon biyo is marin’’, mid kalena wuxuu ku ladhay, ‘’Alla yaa inooga soo kaxeeya’’ mid kale ayaa jawaab degdeg ah ku soo celiyay oo yidhi, ‘’Dee waa lagu siinayaaye orod doono’’.midba dhinac buu iska taagay, laysu baaci, aragti kastana wax laga yidhi. Lama aamusine la sii wad sheekada, nin kale ayaa ku soo booday, kuye,  ‘’Kuwani xuquuqdii mayeedhaanka meel bay kaga dhaceen, bal eega siday xoolahaa u gellayaan’’. Dhiniciisa waxa fadhiyay nin ay saaxiib yihiin oo ay akhyaarta kale isaga dhaw yihiin. waa  nin af-gaaban oo aan hadalka tarmin, aragtida dadka kale aad u ixtiraama, markuu hadlana midhkiisa seegin. Umuu hollan inuu hadlo oo goorahaaba wuu aamusnaa, hase ahaatee aragtidii jaalkiisa  ayaa jawaab ka keentay, wuxuu yidhi; ‘’ Inagu xuquuqda dadkaba ma naqaanee, ma mid xoollaad baynu ka hadli karaa. Soomaali hadaynu nahay, horta aan xuquuqda dadka barrano, kadibna ta xoollaha aan ka hadalo’’.

Waxay socotaba aakhirkii waxa curatay su’aal kale oo nuxurkeedu ahaa, Geellan duurjooga ah ee Austarelia ka hadalkiisa inaga hakiyoo, kii soomaalida ee carro-edeg joogay muxuu ku eeddan yahay?.waxay ahayd mid meesha le’eg oo muhiim ah. Waxay rogrogaanba waxay istuseen xaaladda dhabta iyo duruufaha daran ee ku gedaaman xoolaha nool oo weli ah lafdhabarta dhaqaalaha qaran iyo qoysba soomaalida. aafooyin dadku gacantooda ku curiyeen ayaa baad iyo biyo-ba tiray xoolihii, deegaanaday ku noollaayeena ka dhigay qaar lama degaan isu bedelay, haddaan wax laga qabana noqon doona saxaare buuxa. Aakhirkii  faaqiddaadii mawduucan waxa khatimay mid ka mid ahaa xerta ardaaga oo sheekadan kooban ku bilaabay sidan;

Qaalinkii Jaadka

“Oday aanu isku qoys nahay oo Geel badan lahaan jiray, laakiin haatan toban tuldood wax aan ka badnayni ay ka sii qiiqayaan Geelliisii, ayaa maalin maalmaha ka mid ahayd, goor barqo ah intuu kolba geed isku toosiyay,dabada ka eryay qaalin Geellaba ku jiray oo lays lahaa, reerka haloo jara baro si uu gaadiid ugu noqdo. Odaygu dhuumashuu ku kaxaystay awrka. wuu iska qariyay gashaanti uu dhalay oo hallaha hillaadii la joogtay. Kamuu duwanayn tuug xoolo baadi ah oo aanuu lahayn xadaya. Wuxuu la weecweecdo oo uu dabadda ka dhengaddeeyaba wuxuu ku shakaalay dulleedka tuulo yar oo uu maalintii oo dhan fadhiyo. Dabadeed, wuxuu u yeedhay nin jaadka tuullada ku iibiya, waxaanuu ku wareejiyay qaalinkii. Wuu ku dayn baxay. Dayntuna wax kale may ahayne waxay ahayd jaad. Muddo markuu macmiishaba balantaa ah, in neef loogu qiimeeyo oo uu keeno. Neefaf badan baa horeba sidaa ugu baxay oo noqday, Qaalinkii jaadka, Sabeentii jaadka, Wankii……………reerkii wuxuu is gaadhsiiyay in Qaalinkii la waayay. Baaddidoon baa jihooyin kala duwan loo galay, laakiin Odayga reerku wuu arkayaa, maqlayaa, waxaas oo dhan mana sheegi karo. Wuxuu qariyaba Afaddii qoyska, Hooyadii gurigu waxay heshay qaalinkii oo sidii tuullada duleedkeeda ugu xayiran. Xadhiga ka fur goortay is tidhina, runtii baa farta laga saaray, sidii bay gurigeedii kaga soo dhaqaaqday iyadoo dudmo ah. Waxay ka fursan wayday in reerka arrinkooda la galo, hase ahaatee, wax bog leh oo baabaco leh oo loodiya waa la waayay. Gar bay ku taagnayd oo lalama yaabayn, mar iyo lababa way soo dhaaftay oo way u adkaysan wayday, wuxuu saygeedu samaynayo. taasina waxay keliftay inay odayga qaawiso si ay inta danbe u badbaadiso.”

Gunnaanad

Waa tabaale iyo taws ku baahday carra-edeg (dhulka Soomaalida). Saddexda meesi ee xoolaha nool ee ay  Soomaalidu dhaqataa hore iyo hadaba,waxay u yihiin; dhaqan, dhaqaale iyo dhaadasho. Weli ma jiro wax soo saar kale oo laysku halayn karo oo bedelay xoolaha nool, hase yeeshee,haatan waxay u eg tahay inay dabar go’ayaan hadaan la curin siyaasad daba qabataysa. Isla markaana aan la abuurin hannaan dhaqasho oo ka degan kii hore ee guur-guurka ahaa.

Guntii iyo gebagebadii, haddii Geella duurjooga ah ee Austarelia xabad lagu dilo, ka xero-jooga ah ee Bariga Afrikana darxumo iyo dayac buu u dhintaa. Sidaa darteed, dhimasho isma dhaanto.

Muuse Jaambiir
Mjambiir6@hotmail.com
Oslo, Norway

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet