Mario Balotelli oo ku sii jeeda horiyaalka Maraykanka ee MLS

Updated About:1 year ago
0

Sida ay lee yihiin wararka laga helayo kooxda Man City xiddigga reer Talyaani  Mario Balotelli ayaa ka tagi doona dalka Ingiriiska kaddib markii dhawaan ay is qabteen macalinkiisa Roberto Mancini.

Kaddib labo sano iyo bar oo uu joogay Mario garoonka kooxda Man City , waxa hadda la sheegayaa in uu ka dhaqaajin doono.

Ciyaaryahanka ayaa ku socda waddanka Maraykanka iyo horiyaalka dalkaas ee MLS-ka.

Sarkala u hadlay kooxda Ingiriiska ayaa sheegay in xalka kaliye Balotelli loo heli karo uu yahay in dhibkiisa uu ka qaado kooxda.

Sidoo kale ciyaaryahanka dabeecada ka xumaatay waxa doonaya Real Madrid, Barcelona iyo Paris Saint-Germain oo yabooh u soo bandhigay.

Ciyaaryahanka ayaa la sheegay in u hadda ku taamayo siddii u heli lahaa lacago badan, waxana uu doonayaa in uu ka dhexbaxo Yurub.

Warar ay qoreen wargeysyada waddanka Maraykanka ayaa lagu sheegay in Mario Balotelli uu ku sii jeedo horiyaalka Major League Soccer, gaar ahaan kooxda New York Red Bulls.

Sidoo kale waxa raadinaya labada koox ee kale LA Galaxy iyo Red Bulls .

Balotelli  oo ah 22-jir ayaa sannadkii hore 2012-ka waxa uu rabay in uu aado New York.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet