Ciidamda Dowlada Soomaliya oo Maanta Magaalad Kismaayo ku Dilay Wiil Dhalinyaro ah

Updated About:1 year ago
0

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Maanta ay ciidamada Dowlada dileen Wiil dhalinyaro ah, kaaso ay rabeen inay ka qaataan Telfoonka gacanta ee loo yaqaano Mobile-ka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada ay marki hore wiilka dhalinyarada ah ay weydiisteen Inuu siiyo Mobile gacanta, balse uu ka dhago adeegay, waxaana ay ugu dambeen la dhaceen Rasaas culus, taasoo keentay inuu geeriyoodo wiilka.

Dad ku sugan Kismaayo ayaa Warbaahinta u sheegay in Wiilka ay dileen ciidamada Dowlada uu ka mid ahaa Muruq maalatada ka shaqeysata Dekada Magaalada Kismaayo, waxaana dilkiisa ka dambeeyay ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Kismaay.

Amaan xumada baahsan ee ka jirta Deegaanada ay Dowlada gacanta ku heyso waxaa u sabab ciidamada Dowlada Soomaliya, kuwaasoo ka geysta falalkan kala duwan oo ay ugu horeeyaan Dhac, kufsi iyo dilal bareer ah, taaso ilaa hada aysan waxba ka qaban madaxda Dowlada Soomaaliya, iyagoo maalin kasta sheega inay wax ka qabanayaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet