Kooxo Hubeysan oo Rasaas Khasaare Geysatay Ku Furay Gaari Rakaab Ah Duleedka Diinsoor

Updated About:1 year ago
0

Sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogayaal ku suggan degmada Diinsoor ee gobbolka Bay kooxo hubeysan ayaa rasaas khasaare geystay ku furay baabuur rakaab ah oo ays aarnaayeen dad shacab ah.

Baabuurkaan la rasaaseeyay ayaa waxaa uu ku sii jeeday magaalada Muqdisho ee xarunta dalka, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay rasaastii ay kooxaha hubeysan ay ku fureen baabuurka rakabka ah.

Ilaa hadda macada waxa ay yihiin kooxaha ka dambeeyay falkaan, balse nawaaxiga degmada Diinsoor iyo qeybo badan oo ka mid ah gobbolka Bay waxaa ku soo laa laabtay falalka noocaan oo kale ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.comĀ midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet