Labda Manchester oo guulo ka gaaray horiyaalka Premier League

Updated About:2 years ago
0

MANCHESTER – Naadiga Manchester United ayaa kordhisay dhibcaha ay ku hoggaamineyso horiyaalka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii galabta garoonka Old Trafford 2 iyo 1 ay kaga badiyeen kooxda Liverpool.

Kooxda ayaa hadda horiyaalka ku daadihineysa illaa 10-dhibco, taasoo u muuqata in horiyaalka ay markale ku guuleesan karto.

Daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta qaybtii koobaad ayaa xiddigga reer Holland  Robin van Persie uu ka caawiyay kooxda uu macalinka u yahay Sir Alex Ferguson in ay hoggaanka qabato.

Ciyaarta ayaa qabytii koobaad waxa ay ku dhammaatay 1 iyo 0 oo ay ku hoggaamineyso naadiga shayaadiinta cas ee Man U.

Markii dib la isugu soo laabtay, ayaa Daniel Sturridge ayaa qaladaad uu sameeyay waxa ka faa’ideestay Nemanja Vidic, kaasoo ciyaarta ka dhigay 2 iyo 0.

Sidaas oo ay ciyaarta tahay ayaa wax kasta waxa ay isbadaleen, kooxda Liverpool ayaa heshay goolkii koobaad uu u dhaliyay daqiiqadii 57-aad ciyaaryahan Daniel Sturridge.

Sir Alex Ferguson  ayaa kooxdiisa waxa ay ka horreysaa kooxda Liverpool 24-Dhibcood horiyaalka oo la ciyaaray xilli ciyaareedkan illaa 16-kulan.

Kooxda  Man United ayaa horiyaalka ku hoggaamineyso 8-dhibcood oo nadiif ah, waxana kooxd ku soo xigta ee Manchester City caawa ay ka badisay kooxda Arsenal.

Kooxda Man United, ayaa wax u soo laabtay Rio Ferdinand, Vidic, Patrice Evra, Michael Carrick, Ashley Young iyo Van Persie kuwaasoo kooxda ka maqnaa.

Ciyaaryahan Persie ayaa dhaliyay goolkiisii 17-aad ee xilli ciyaareedka uu dhaliyo, waxana uu noqday xiddig ay ku tashato kooxda Man U.

Ciyaarta oo aad u adkeyd waxa ka soo qaybgaley illaa 75501‎ oo qof , waxana ay ka dhacday garoonka kooxda Manchester  ee Old Trafford.

Ciyaarta Liverpool iyo Man U waxa garsoore ka ahaa Hawed  Webb‎.

Dhinaca kal, Man City ayaa iyana guul ka gaartay kooxd Arsenal markii 2 iyo 0 uga badiyeen kooxda ka dhisan galbeedka London.

Goolasha kooxda Man City ayaa waxa dhaliyay Milner iyo Dzeko, labada kooxd ayaa iska soo daba agdhow.

Sidda illaa hadda loo kala hoggaaminaayo horiyaal

 

Position Team Played Goal Difference Points
View full table
No movement 1 Man Utd 22 27 55
No movement 2 Man City 22 24 48
No movement 3 Chelsea 21 24 41
No movement 4 Tottenham 22 12 40
No movement 5 Everton 22 9 37
No movement 6 Arsenal 21 16 34
No movement 7 West Brom 22 1 33
No movement 8 Liverpool 22 7 31
No movement 9 Swansea 22 5 30
No movement 10 Stoke 22 -3 29
No movement 11 West Ham 21 -3 26
No movement 12 Norwich 22 -10 26
No movement 13 Fulham 22 -5 25
No movement 14 Sunderland 22 -5 25
No movement 15 Southampton 21 -10 21
No movement 16 Newcastle 22 -12 21
No movement 17 Wigan 22 -17 19
No movement 18 Aston Villa 22 -25 19
No movement 19 Reading 22 -16 16
No movement 20 QPR 22 -19 14

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet