Qarax Xoogan oo Maanta Lagula Eegtay Ciidamada AMISOM Magaalada Marko

| Sunday, Jan 13, 2013 |

Qarax khasaaro dhaliyay ayaa Maanta ciidamada AMISOM lagula eegtay Magaalada Marko ee xarunta Gobolka Shabelaha Hoose, halkaasoo ay gacanta ku hayaan Ciidamada iskaashanaya ee AMISOM iyo Dowlada Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Marko qaraxa ayaa lala eegtay 3 ka mid ah Gaadiidka Ciidamada AMISOM, kuwaasoo marayay bartamaha magaalada, waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro soo gaaray ciidamada.

Ilaa hada wax war ah kama soo bixin Taliska Ciidamada AMISOM, sidoo kalana ma jirto cid wali sheegatay in qaraxa ay ka dambeysay, balse ciidamada AMISOM iyo Dowlada Soomaaliya ayaa aaminsan in qaraxyada ceynkan oo kale ah ay ka dambeeyaan kooxda ku kacsan ee Xarakada Alshabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Hoyga Wararka Midnimo.com
Email : webmaster@midnimo.com - midnimo12@gmail.com

Leave a Reply