Talyaaniga oo Markab dagaal usoo diraya Xeebaha Soomaaliya

Updated About:1 year ago
0

Doowlada Talyaaniga ayaa waxa ay sheegtay in Markab dagaal ay usoo direeyso Xeebaha Soomaaliya.

Saraakiisha badmareenada ee kanaalka Suways ayaa wakaalada wararka dalka Turkiga “Anadolia” usheegay in Markab dagaal oo laga leeyahay wadanka Talyaaniga uu kusoo wajahanyahay Xeebaha wadanka Soomaaliya.

Markabkaan ayaa lasheegay inuu qayb ka noqon doono Ciidamada gaashaanbuurta NATO ee hada ku sugan biyaha gobolka iyagoo la dagaalamaya kooxaha burcad-badeeda Soomaaliya.

Markabkaan ayaa waxa uu yahay mid howshiisa ay noqon doonto ladagaalanka waxa ay reer galbeedka ugu yeeraan “Argagixisada” iyo ilaalinta maraakiibka ghanacsiga ee marta biyaha Soomaaliya.

Sidoo kale Sarakiisha badmareenada kanaalka Suweys ayaa ugu danbeyntii sheegay in markabkaan uu qayb kanoqon doono Maraakiibta dagaal eek u sugan Xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo dagaa,l kula jira kooxaha burcad-badeeda Soomaalida.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet