Xafiiska ra’iisal wasaaraha Britain oo shaaciyay marti-gelinta Shirka looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya

Updated About:1 year ago
0

Dowladda Britain ayaa shaaca ka qaadday marti-gelinta shir cusub oo caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasoo lagu wado in la qabto 7-da May ee sanadkan.

Ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron ayaa ku sheegay warbixin uu xafiiskiisa ameron’s Downing Street  kasoo saaray in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh  Maxamuud ay isku raaceen in shirkaas la qabto bisha May 07, 2013.

Mr. Cameron ayaa yiri “Shirkan wuu ka duwan yahay shirkii sanadkii hore ka dhacay London oo ahaa mid guuleystay, wuxuuna kaga duwan yahay iyadoo Soomaaliya ay ka baxday xilligii ku-meel-gaar nimada iyo  Britain oo hoggaamineyso waddamada ugu dhaqaalaha badan dunidda”

Sidoo kale afhayeen u hadashay ra’iisal wasaaraha Britain ayaa iyana tiri and pirates.

“UK iyo dowladda waxa ay si wadajir ah u qaban doonaan shir caalami ah oo looga hadlaayo Soomaaliya 7 May kaasoo ka dhacaya UK,” .

Shirkan waa kii labaad ee dowladda Britain u qabto Soomaalida, sannadkii hore ayaa shir caalami ah oo ay ka soo qaybgaleen illaa 54-dowladood wuxuu ka dhacay London, waxa dadkii ka soo qaybgaley ka mid ahaa xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka  Hillary Clinton iyo xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Comments are closed.