Xarakad Al-shabaab oo Maalmo Kooban U Qabtay Noolasha Dennis Alex

Updated About:2 years ago
0

Kooxda Shabaab oo ka hadashay noolaha laheyste Dennis Alex oo u dhashay wadanka Faransiiska ayaa maalmo kooban u qabatay waxa ay ka yeeli doonto noolasha Dennis Alex oo mudda dhowr sana ah gacanta ugu jiray Shabaab.

Shabaab oo bayaan ku saabsan tilaabada ay ka qaadan doonaan Dennis Alex soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa sheegtay in muddo labo maalmood gudahood ay go’aan ku aadan nolashiisa ay qaadan doonaan.

Kooxda Shabaab ayaa Dennis Alex gacanta ku dhigay sanadkii 2010, waxaana hadalkaan uu imaanayaa xili shalay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Faransiiska iyo diyaaradahooda ay weerar ay ku doonayeen inay ku soo furtaan laheyste Dennis Alex uu ka dhacay degmada Buulo Mareer ee gobbolka Shabeellaha Hoose.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet