Adeega Shirkada Nationlink Oo Maalinkii Sadexaad Hawada Kamaqan

Updated About:2 years ago
0

Waxaa maalinkii sadexaad hawada ka maqan adeegii isgaarsiineed ee shirkada Nationlink, oo kamid ahayd shirkadaha ugu waaweeyn dalkeena islamarkaasna macaamiil farabadan ku leh bulshada.

Adeega hawada ka maqan waa dhinaca Mobilka, kahor inta uusan adeegan hawada ka bixin majirin cudur daar iyo ogaysiis ay shirkada Nationlink siisay macaamiisheeda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shirkada ay Cilad soo wajahday taasoo keentay in adeegii Mobilka uu hawada gabi ahaanba kabaxo.

Mar aan isku daynay inaan xiriir lasamayno madaxda shirkada si aan wax uga weydiino ciladaha kuyimid adeega mobilka ayaysan noo suuragalin.

Marka laga yimaado adeega Mobilka shirkada Nationlink ee hawada kabaxay, waxaa wali sidiisa u shaqaynaya adeega Lendline-ka shirkada.

Arintaan ayaa aad u saameeysay macaamiishii shirkadaas oo maalmahaan ku jahwareersan waxa shirkada ku dhacay maadaama aan wax wargalin ah la siinin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.comĀ midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet