Ciidamada huwanta oo u dhaqaaqay jilib

Updated About:1 year ago
0

Sida ay warbaahinta ay u xaqiijiyeen saraakiisha Ciidamada Dowladda Sooamaaliya ee ku suggan magaalada Kismaayo waxaa saaka arroortii dhaqaaqay Ciidamada huwanta ah iyo kuwa Kenya ee AMISOM kuwaasoo u ruqaansaday dhanka degmooyinka Jilib iyo Bu’aalle ee gobbolka Jubbada Dhexe halkaasoo ay wali maamulaan kooxda Shabaab.

Gen Ismaaciil Saxardiid oo la hadlay Allwariye Online ayaa sheegay in Ciidamada isgarabsanaya iyo kuwa Kenya ee AMISOM ay saaka arroortii weerar ay ku doonayaan inay kula wareegaan qaar ka mid ah degmooyinka wali gacanta ugu jira Shabaab ay u dhaqaaqeen, inkastoo uu ka gaabsaday inuu sheego halka ay hadda joogaan Ciidamadooda.

Ciidamada huwnata ah ayaa ka dhaqaaqay halka lagu magacaabo Dalcada Luglow oo qiyaastii 20KM dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Kooxda Shabaab ayaa wali gacanta ku heysa degmooyinka, Bu’aalle, Jilib, Saakow, Salagle, Kamsuumo iyo deegaano badan oo Jubbooyinka ka tirsan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet