Juventus oo sheegtay wax ciyaaryahan inaysan bisha la soo wareegi doonin

Updated About:2 years ago
0

Maamulaha guud ee kooxda Juventus Giuseppe Marotta ayaa sheegay in kooxda uusan qorshaha ugu jirin ciyaaryahan ay la soo wareegto bishan, maadama bisha uu furan yahay suuqa lagu kala wareego ciyaartoyda Yurub.

Kooxda ka dhisan Turino ayaa lala xiriirinaayay dhowr ciyaartoy dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay sida Didier Drogba iyo Fernando Llorente, laakin wararkaas ma noqon kuwa si fiican u hirgala.

“Waxan filayaa in bisha January ay noogu xiranto iyadoo aan ciyaaryahan wayn la soo wareegin Juventus,” ayuu u sheegay Marotta Sky Sport Italia.

Wuxuu intaas ku daray in dhowr ciyaartoy kooxda ay ka dhaawacan yihiin kuwa kalena ay u baqooleen tartanka qaramada Africa.

Naadiga Juventus ayaa hadda hoggaamineysa horitaalka Talyaaniga, waxana ay kooxda ku soo xigta Lazio ka horreysaa illaa seddax dhibic.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.comĀ midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet