Manchester City oo xaqiijisay Rodwell inuu ku soo laabtay xarunta tababarka

Updated About:1 year ago
0

Kooxda Manchester City ayaa hubanti ka dhiftay Jack Rodwell in uu si rasmi ah uu tababarka ku soo laabtay kaddib markii uu labo toddobaad uu dhaawac la hardamaayay.

Ciyaaryahanka ayaa 21-jirka ayaa garoomada laga waayay tan iyo October, waxa uu qabay dhaawac dhinaca seedaha.

Ciyaaryahanka ayaa u ciyaaray Man City lix kulan tan iyo markii uu uga soo biiray Everton xilli ciyaareedkan.

Ciyaaryahanka ayaa la hadlay website-ka kooxda wuxuu yiri “ Waxan dareemayaa caafimaad buuxa, dhaawac xun ayaa seedka iga soo gaaray kaasoo markii hore iiga dhacay lugta bidix, waxan maqnaa shan toddobaad, laakin hadda waxan dareemayaa caafimaad muuxa “ ayuu yiri Rodwell.

Javi Garcia iyo Gareth Barry ayaa hadda buuxiyay booska uu baneeyay, waana tii keentay in ay ka badiyaan Sabtidii kooxda Arsenal.

Ciyaaryahanka ayaa sheegay in uu toddobaadkan si rasmi u billaabi doono tababarka .

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet