Sneijder iyo Galatasary oo weli heshiis aan gaarin

Updated About:2 years ago
0

Ciyaaryahanka reer Netherlands ayaa weli go’aan la gaarin kooxda Turkiga Galatasary, oo maalmahan la hadal hayay in uu ku biirayo.

Maamulaha guud ee ciyaaraha kooxda Abdurrahim Albayrak ayaa sheegay in weli heshiis aysan la gaarin xiddigga reer Netherlands.

Wuxuu yiri “Waa ay adag tahay in go’aan lala gaaro ciyaaryahanka maxaa yiri illaa labo toddobaad ayaan wadahadal kula jirnay kooxda “ ayuu u sheega Sky Sport 24.
Xiddiggii hore ee Real Madrid ayaa la sheegay in uu saldhigan doono garoonka  Turk Telekom Arena, laakin warkaas ma ahan mid weli hubanti ah.

Sneijder ayaa horrey ugu sheegay  Giuseppe Meazza in uusan saxiixi doonin heshiis isla markaana uusan diyaar u ahayn in uu sii joogo kooxda.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee 28-jirka ayaan lagu arkin garoomada tan iyo bishii September.

Makala cadda mustaqbalka xiddiggan Sneijer.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet