Gudi heer Wasiiro ah oo loo Xilsaaray in ay Baaraan Xasuuqii Leego

Updated About:1 year ago
0

Xukuumada Soomaaliya ayaa Gudo heer wasiiro ah u xilsaartay in ay baaraan Xasuuqii ay Ciidamada AMISOM u geyteen Dadka shacab ah oo u badan Caruur dhiganeysay Dugsi Quraan ku yaala Deegaanka Jiiro Miskiin ee hoostaga Deegaanka Leego.

Gudigan oo uu hogaaminayo Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xalay booqday dadkii ku soo dhaawacmay Xasuuqaasi ay geyteen Ciidamada AMISOM, waxaana ay warbixino ka dhageysteen Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaal Madiina.

Gudiga oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay goor dhow bilaabi doonaan Baaritaan dheer oo ku saabsan xasuuqii ay geysteen Ciidamada AMISOM, waxayna sheegeen inay war cad ka soo saari doonaan marka ay dhameeyaan baaritaankooda.

Ibraahim Isaaq Yarow oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Soomaaliya ugu deeqday Dadka dhaawacmay lacag gaareysa 10-kun oo doolarka mareykanka ah, waxaana uu sheegay in wax looga qaban doono xaaladooda caafimaad.

Dad u badan Caruur oo gaaraya  qof ayaa dhaawac ahaan u yaala Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dhaawacyada ay ku jiraan kuwa halis ah oo dalka wax looga qaban karin sida uu horey warbaahinta ugu sheegay Xildhibaan Daahir Jeesoow.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet