Dagaalo Kadhacay Duleedka Laas-caanood

Updated About:1 year ago
1

Wararka ka’imaanaya magaalada Laas-caanood, ayaa sheegaya in habeenkii xalay ay halkaas ku dagaalameen Ciidamo ka tirsan maamulada Somaliland iyo Khaatumo State, dagaalkan ayaa kadhacay meel duleedka ka ah magaalada.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saacadu markeey ahayd 8:45 ay mar qura maqleen hugunka madaafiicda iyo rasaasta yar yar, waxaana dhamaan dadku ay ahaayeen kuwo anfariirsan lana yaaban sida wax usocdaan iyo waxa is dagaalaya.

Lama soo sheegin wax qasaaro ah oo soo gaaray labada dhinac ee dagaalamay iyo dadka rayidka ah, maadaama xiliga dagaalka uu dhacay uu ahaa xili habeen ah, lama ogaan karo xaqiiqda rasmiga ah iyo dhibaatada kadhalatay.

Bilihii ugu danbeeyay ayaa waxaa jirtay in maamulada Somaliland iyo Khaatumo State ay dhowr mar ku dagaalameen gobolka Sool, iyagoona isku haya gacan ku haynta gobolkaas, sidoo kale afar habeen ka hor ayaa iyadana la weeraray tuulada Ganbadhe oo 30-km ka xigta degmada Laas-caanood dhinaca bariga.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (1)

Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.

  1. somaliland hadii runta loohadlo wax ku abtirsada majoogaan degaanada sool sanaag iyo cayn laakiin dad is dagaalaya waa dad wada dhashay waxa ugu baaqayaa inay dagaalka joojiyaan dadkaas walaalaha ah ee wada dhashay waxa go’aya waa wiil iyo walaalkiis oo aan kala maarmin

Leave a Commnet