Somaliland:“Doowlada Soomaaliya Si Qaldan Ayay Uga Faa’iideysatay Aqoonsiga Mareeykanka”

Updated About:1 year ago
1

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo wareeysi siinayay idaacada VOA-da ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si khaldan u uga faaideysatay aqoonsiga Maraykanku siisay Soamaaliya iyo waliba kulankii Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Somalia ay ku yeesheen aqalka Cad.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraale Duur, ayaa sidookale u sheegay in dowladda Somalia laga doonayay inay Maryakanka ka codsadaan  dib u dhiska dalka iyo waliba in Maraykanku gacan ka geysto sidii Soomaaliya la isugu keeni lahaa, balse ay fursadaasi seegtay oo aysan ka faaideysan.

Wasiirka ayaa sidokale sheegay in aqoonsigaas uu caqabad ku noqon doono wadahadaladii u socday iyaga iyo doowlada Soomaaliyeed.

Waxa uu Intaas ku daray in looga fadhiyey Madaxda Dawladda Soomaaliya maadaama ay ka Yimaadeen dal burbursan iney Codsadaan in wax lagala qabto lana taageero goobaha Nabadu ka jirto sida Somaliland oo kale.

Maxamed Nuur Carraale[Duur] ayaa sheegay sidoo kale in Dawladda Soomaaliya looga baahnaa iney ka Codsato Maraykanka in bulshada Soomaaliyeed la isu keeno lana taageero sii socoshada Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

…””Waxay kaloo ahayd iney Codsadaan inuu qeyb kala qaato Dawladda Marakanku in Soomaali la isu keeno iyo Wadahadalkeeda sidii usii socon lahaa khaasatan Soomaaliya iyo Soomaaliland inuu qeyb ka qaato….””ayuu Maxamed Nuur Carraale.

Hadalka kasoo yeeray Somaliland ayaa imaanaya iyadoo maalinkii Khamiista aynu soo dhaafnay ay doowlada Mareeykanka mudo 22 sano ah kadib ay si rasmi ah u aqoonsatay doowlada Soomaaliya, hada kadibna ay arimaha dalka iyo wax walbo kala xiriiri doonto doowlada Soomaaliyeed, halkii awal uu Mareeykanka Soomaaliya kula dhaqmi jiray siyaasad laba dhinac ah.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (1)

Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.

  1. Qowdhan says:

    Hadaan nahay dadka Hawiye Irir ee dagan koofurta, waxaan dooneynaa in walaalahaye Dirta dagan waqooyiga Reer sheikh
    Isxaaq iyo Samaroon Saciid (Gadabuursay), ey waxey doonaan
    loo ogolaado. hadey rabaan in dowlad gooniya noqdaana waa
    soo dhaweyneynaa oo sida walaalahayaga CIISE oo ilma DIR ayey noqon doonaan. Hadey nogo soo biirayaan taliskii Darood
    waa dhamaaday. ee ahlan wa sahlan.

    Wiil Hawiye IRIR
    Samaale.

Leave a Commnet