Natiijada koobka qaramada Africa 2013

Updated About:1 year ago
0

Waxa dalka South Africa si habsami leh uga socda tartanka kubadda cagta qaramada Africa oo afartii sano mar la qabto.

Tartanka oo ah kii 29-aad tan iyo markii la billaabay, waxa sannadkan uu ahaa in lagu qabto dalka Libya , laakin khalalaasaha ka socda iyo xasilooni darida ka jirta ayaa loogu qaban waayay.

Ilaa 16-waddan ayaa ka tartanka sannadkan ka qaybgalaya, waxana ka maqan xulal si wayn uga dhex muuqan jiray sida Masar iyo Kamiruun, oo tartanka isaga haray.

Waxa sannadkan markii ugu horreysay 30-sano kaddib ka qaybgaleysa kooxda Ethiopia oo ah kooxda kaliye ee ka socota bariga Africa.

Haddaba tartanka oo daaha laga rogay 19-kii bishan waxa illaa hadda ciyaaray 8- kooxd, afar ka mid ah barbar dhac ama gool la’aan ayey ku dhameesteen waana kuwii ugu horreyay ee tartanka lagu furay.

Shaley waxa ciyaara kooxaha Mali iyo Niger , waxana ciyaartooda ay ku dhammaatay 1 iyo 0 oo ay ku badisay kooxda Maali.

Goolka kooxda Maali waxa au dhaliyay  S Keita oo qadka dhexe horrey uga ciyaari jiray kooxda Barcelona, waxa ay ka dhacday ciyaarta garoonka Nelson Mandela Bay Stadium, illaa 20,000 oo qof ayaa soo xaadiray.

Ciyaartii labaad waxa ay dhexmartay kooxaha Ghana iyo Congo DR, waxa ay ku dhammaatay barbardhac 2 iyo 2.
Waxa goolasha afarta kala dhaliyay

E Agyemang-Badu (39)

K Asamoah (48)                    TM Mputu (52)
D Mbokani (pen 68)

Ciyaarta waxa ay ka dhacday garoonka caanka ah Nelson Mandela Bay Stadium, waxa ku sugnaa illaa 7000 oo qof.

Galabta oo Isniin ah waxa isku dhaggan afarta xul ee ka ala ah:-
   Zambia    v    Ethiopia    Mbombela Stadium    17:00    Preview
6    Nigeria    v    Burkina Faso    Mbombela Stadium    20:00    Preview

Xafiiska Ciyaaraha  Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet