Turkiga Soomaalya ma Xaj ayuu u yimid mise in uu ka soo iibsado kuusha qoorta lagu xirto?

Updated About:2 years ago
1

Dalka Soomaaliya oo 21-kii sano ee la soo dhaafay uusan helin dowlad dhexe oo shaqeysa, waxaa hadda dalkan guul dareestay indhaha ku soo jeediyay dalka Turkiga.

Waxa la is weydiiyay yaa rabo in uu caawiyo Soomaaliya? Dalkan dadkiisa waxa ay noqdeen kuwa maskaxda ka jiraday, waxa ugu darsamay in ay saldhigyo ka dhigtaan kooxo xiriir la leh Al-Qaacida.

Waxa kaloo ugu sii darsamay burcad-badeed qasadkoodu yahay in ay dhaqaale ka dhilayaan badda.

Dalkan waxa la soo galin jiray wax yaabaha dambiga ah iyo magangalyo doonka iyadoo looga soo gudbin jiray dalka Yemen.

Ma jirin cid is lahayd Soomaaliya dib ayey uga soo kabaneysaa wixii soo maray burburkii dalka kaddib.

Qof walba wuxuu aaminsanaa in ay adagtahay siddii dalka uu uga soo kaban lahaa dhibkii soo maray.

Laakin hadda rajadaas waa ay soo dhawaatay.

Beesha caalamka ayaa hadda u muuqda kuwa indhaha ku soo jeediyay Soomaaliya, waxana ka billowday suuq laga dukaameesan karo.

Turkiga waxa uu ka jaabay in dalka Soomaaliya uu yahay dal la tagi karo oo la mid ah kuwa caalamka.

Ra’iisal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo ka mid ah hoggaamiyaasha ugu caansan adduunka ayaa sheegay in hooyada iyo aabaha Soomaaliya ay dib u dhasheen.

Turkiga muxuu ka qabtay Soomaaliya? Ma xaj ayuu u yimid mise in uu ka soo iibsado kuusha lagashto qoorta?

Mid ka mid ah Iskuulada uu ka hirgaliyay Muqdisho wuxuu sheegay in Turkiga uu yahay dal Islaam ah oo casrisan, kaasoo qaybta tacliinta, dhaqaalaham iyo ganacsiga si aad u kobcaya.

Turkiga 20-sano ka hor majoogin meesha uu hadda joogo, wuxuu dal xirxiran oo aduunka ka go’doomay.

Turkiga tan iyo bishii August 2011, markaas oo Muqdisho yimid ra’iisal wasaare Erdogan waxa uu waxbarasho lacag la’aan uu siiyay 1,200 oo ah arday Soomaali ah.

Waxaa uu arrintaas ku bixinayaa $70 million taasoo lagu talagalay in ardayda wax loogu baro Seyniska,, engineering, medicine iyo law-ga.

Sidoo kale Turkiga wuu ballaariyay dhaqaalaha uu siinaayo Soomaaliya in ka badan $365 ayuu ugu deeqay Soomaaliya, sidoo kale wuxuu dowladda siiyay $49 million.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (1)

Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.

  1. abdul says:

    carabta waxay isku darsatay xaasid nimo iyo masayr.
    way ka xun yihiin turkiga in uu kaalmeeyo somaliya.

Leave a Commnet