Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaaray Riyadh

Updated About:1 year ago
0

Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa gaarey dalka Sucuudi Caraabiya, kadib markii uu soo dhamaadey booqashadii uu ku joogey dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa ka qaybgalaya shir looga hadlaayo dhaqaalaha dalalka Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya ka mid tahay. Qodobada shirka looga hadlaayo waxaa ka mid ah hormarinta dalalka ku jira Jaamacadda Carabta, Qaababka maalgashiga dalalka carabtu isu dhaafsanayaan, Cusbooneysiinta nidaamka tamarta ee dalalka carabta, Waxyaabaha ka qabsoomey qorshihii hormarineed ee Malaniumka iyo taageerada dalalka ay ka jirto dhibaatooyin iyo dib u dhac ay keeneen dagaalo halkaas ka taagnaa, kuwaas oo Soomaaliya ugu horeyso.

Madaxweynaha ayaa muddada uu shirku socdo kulamo la qaadan doono qaar kamid ah madaxda dalalka carabta.

Jaamacadda carabta ayaa marar badan dhaqaale u ballan qaadey Soomaaliya kaas oo inta laga fuliyey a ahayd mid aad u yar.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet