Kooxda kubadda kolayga Soomaaliya oo ka adkaaday dhiggooda Kenya

Updated About:2 years ago
0

Waxa galabta magaalada Dari-Salaam ee xarunta dalka Tanzania ka dhacday ciyaar ka tirsan koobka Zoon Five, waxana ciyaartaas ay dhexmartay kooxaha Soomaaliya iyo Kenya

Ciyaarta ayaa xilligii loogu talagalay waxa ay ku dhammaatay 81- iyo 78  oo ay ku adkaaday xulka dalkeena Soomaaliya.

Ciyaartoyda kooxda Soomaaliya oo u badan dhalliyaro caaboon ayaa  maanta soo bandhigay cayaar aad loogu riyaaqay isla markaana u dirtay fariin culus dalalka kale ee ka qaybgalaya tartanka Zone v Basketball Championship

Kooxda Soomaaliya ayaa cayaarta hogaaminayey bilowgii ilaa dhamaadkii inkastoo dhamaadkii cayaarta qaybteedii dambe ay cayaartoyda Soomaaliyeed daaleen maadaama uu garoonku aad u kululaa isla markaana xiliga la cayaarayey uu ahaa xili kulul.

Macalinka kooxda Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay Cumar Cabdu Qaadir Baarajab ayaa yiri “Guushani waxa ay ka mid tahay kuwa aanan si fudud ku iloobi doonin, cayaartoydeenuna waxa ay muujiyeen cayaar aad u farsamo badnayd waxayna iskula shaqeeyeen si wadjir ah, waxaanan hubaa haddii ay sidaan oo kale u cayaaraan in ay adkaan doonto in si fudud nalooga adkaado”
Kooxda Soomaaliya ayaa cayaarta labaad ee tartankan waxa ay habeen dambe la yeelan doonaan  kooxda Burundi, haddii ay cayaartaasi guul ay gaarto kooxda dalkeena, waxa ay u soo bixi doontaa kaalinta koowaad taasoo macnaheedu yahay in ay ka badbaadaan kooxda ku soo baxda kaalinta koowaad ee qaybta kale.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet