Kulan looga hadlayay sidii xayiraada hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya oo maanta Muqdisho ka dhacay

Updated About:2 years ago
1

Xubnaha guddiga farsamada milateriga ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho kaasoo ay uga wada hadleenn xoojinta awoodda milateri ee ciidanka Soomaaliya waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Df Soomaaliya,Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka S.gaas c/Qaadir Diini iyo saraakiil kale.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay kordhinta tababarrada ciidanka iyo sidii dhaqa-celin isugu jirta abuuris fursad waxbarasho iyo mid shaqo loogu sameyn lahaa dhallinyarada kasoo baxsata al-Shabaab.

Waxaa saxaafadda la hadlay kadib markii uu soo idlaaday kulanka, wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiin Fiqi oo sheegay inay wasaaraddiisu u gudbisay guddiga codsigii la xiriiray qaadista xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya, si ay wasaaraddiisu ugu suurta-gasho inay xoojiso tayada iyo cududda ay leeyihiin ciidanka xoogga dalka.

Wasiirka ayaa xusay in kulanka maanta uu ahmiyad weyn ugu fadhiyay dowladda Soomaaliya maadaama uu ku soo beegmay kadib aqoonsiga Maraykanka ee dowladda Soomaaliya markii ugu horreysay muddo 20 sano ah.

wasiirka ayaa intaasi ku daray in Ardayda Jaamacadaha iyo Dugsiyada sare ka baxday ay u qaadayaan Tababar dalka dibaddiisa ah kaasoo diiwaangelintiisu haatan ay ka socoto Xarunta wasaaradda Difaaca ee Muqdisho.

Ka qeyb-galayaasha kulanka ayaa isku raacay inay dardar geliyaan dadaalladooda ku aaddan sare u qaadista awoodda ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Guddiga farsamada milateriga waxaa xubno ka ah Soomaaliya,howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (1)

Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.

  1. Cabdullaahi says:

    Wax yar inaad saxdaan iskudaya qaasatan walaalka qoray maqaalkaan mareykan nama oqoonsan ee horay ayaan umadax banaaneyn lkn hada waxaan sooceshanay cilaaqaadkii lumay 22sano kahor

Leave a Commnet