Akhiyaarta ku xiran bogga Midnimo.com , waxa inta badan aan u soo gudbinaa halka ay marayaan tartanka kubadda cagta qaramada Africa, kaasoo si habsami leh uga socda waddanka Koonfur Africa.
Ciyaarihii shaley dhacay waxa ka mid ah Ethiopia oo la ciyaartay kooxda difaacaneysa koobka ee Zambia, waxa ay ciyaartooda ku dhammaatay 1 iyo 1, waxaba xittaa dirqi ku baxsatay kooxda Zambia.
Ciyaartoyda reer Ethiopia waxa ay ku ciyaarayeen 10-qof kaddib markii mid ka mid laga saaray markii loo taagay karaka casaanka.
Kooxda Ethiopia waa markii ugu horreysay ee tartankan ka soo qayb qaadato in ka badan 30-sano, in kastoo ay hal mar ay ku guuleesatay.
Haddaba ciyaarta labaad ee Group-kooda oo ah C waxa ay isku arki doonaan kooxda Nigeria.
Ciyaartii labaad waxa isku arkay kooxaha Nigeria oo lagu naaneeso gorgorada ama Super Eagles iyo Burkina Faso, waxa ay iyana ku dhammaatay 1 iyo 1.
Kooxda Nigeria waxa ay is arki doonaan Zambian Jimcaha soo socda.
Ciyaarta koobaad sidan ayey ku dhacday
Nigeria 1 – 1 Burkina Faso
E Emenike (22) A Traore (90)
Mbombela Stadium Attendance (8500)
Ciyaarta labaad sidan ayey u dhacday
Zambia 1 – 1 Ethiopia
C Mbesuma (45) AG Girma (64)
Mbombela Stadium waxa ka soo qaybgalay illaa (10,000 oo qof
Ciyaaraha galabta dhici doona waxa ka mid ah:
7 Ivory Coast v Togo Royal Bafokeng Stadium 17:00
8 Tunisia v Algeria Royal Bafokeng Stadium 20:00
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com