Qarax fashilmay oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar

| Tuesday, Jan 22, 2013 |

Qarax fashilmay oo uu soo maleegay qof naftii halige ah ayaa xalay kadhacay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada dhexe, qaraxan oo dhacay waqti hore xalay xili ay dadka magaalada soo jeedaan ayaa kadhacay bartamaha magaalada.

Inkastoo wax faahfaahin ah ilaa iyo hada uusan kasoo bixin khasaaraha kadhashay qaraxaas, ayaa hadana goob joogayaal ku sugnaa goobta waxay warbaahinta usheegeen in qofka ismiidaamiyey uu doonayey inuu galo masjid ku yaalla xaafada Horseed ee bartamaha magaalada ku taalla, balse intii uusan gaarin uu qarxay ruuxa sitay waxyaabaha qarxa kaasoo ku qarxay meel bannaanka ka ah masjidka.

Ciidamo kasocda doowlada ayaa durbadiiba gaaray goobta, iyagoo xiray dhamaan wadooyinka soo gala goobta uu qaraxa kadhacay, mana jirin wax dhaqdhaqaaq ah.

Waa qaraxii ugu horeeyay ee uu qof naftiis halige ah ka sameeyo magaalada Jowhar tan iyo markii ay maamulka magaaladaas la wareegeen Ciidamada doowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is kaashanaya.

Majirto ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyada qaraxaas, laakiin Al-shabaab ayaa looga bartay ineey sheegtaan weerarada ceenkaan oo kale ah, waxaana qasaaraha ugu badan uu soo gaaraa shacabka.

Waxaa Aqriyay (4)

Hoyga Wararka Midnimo.com
Email : webmaster@midnimo.com - midnimo12@gmail.com
Tags:

1 Comment

Leave a Reply


error: Content is protected !!