Kooxda Soomaaliya oo ciyaartii labaad guul gaartay

Updated About:1 year ago
0

Kooxda kubadda kolayga dalkeena Soomaaliya ayaa caawa guushii labaad ka soo hooyatay isreebreebka tartanka ciyaaraha Zoon Five oo ka socda dalka Tanzania.

Ciyaarta caawa oo ay dhex martay waddamada Soomaaliya iyo Burundi ayaa waxa xilligii loogu talagalay ay ku dhammaatay 98 iyo 80.

Kooxda Soomaaliya ayaa xaley ciyaartii koobaad waxa ay ka badiyeen kooxda dalka Kenya.

Waana ciyaartii labaad , iyagoona u soo baxay wareega afaraad ee ciyaarta ama Semefinalka.

Tababaraha kooxda Soomaaliya Cumar Cabdu Qaadir Baarajab ayaa sheegay in uu rajeenaayo in ay u soo baxaan tartanka wareegiisa labaad oo ka dhici doona dalka Ivory Cost bisha August.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada sida wayn loogu qadariyo kubadda kolayga.

Ciyaarta Semifiinaalka waxa la ciyaari doontaa kooxda ka soo gudubta Gruop A oo ay ku jiraan Uganda iyo Masar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet