Natiijada tartanka kubadda cagta Qaramada Africa 2013

Updated About:2 years ago
0

Waxa weli si habsami uga socda dalka Koonfur Africa tartanka kubadda cagta Qaramada Africa.

Illaa 16-koox ayaa ka qaybgalaya sannadkan koobka  oo si xiiso iyo xamaasad uga socda dalka Koonfur Africa.

Tartanka oo hadda la ciyaarayo wareegga koobaad isla markaana kooxda ay yeelatay ciyaartii seddaxaad, ayaa kulamadii ugu dambeeyay waxa isku arkay kooxaha Morocco iyo Cape Verde Islands.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Moses Mabhida Stadium waxa ka qaybgalay illaa 25000 oo qof, kuwaasoo nasiib u yeeshay in ciyaarta ay goob ka noqdaan.

Haddaba goolka ugu horreyay waxa heshay kooxda ka socota dalka yer ee Jasiiradda Cape Verde, waxana u dhaliyay LC Platini daqiiqadii 34-aad.

Ciyaarta ayaa xilliga loogu talagalay waxa ay ku dhammaatay 1 iyo 0 oo ku hoggaamineyso kooxda Cape Verde,laakin waxa ay wax kasta isbadaleen daqiiqadii 77-aad, waxana u dhaliyay Y El Arabi.

Ciyaartii labaad ee Group-kaas waxa ay dhex martay  South Africa iyo Angola, waxana ay guusha ku raacday kooxda martigalineysa koobka.

Waxa labada gool u dhaliyay Koonfur Africa SD Sangweni daqiiqadii 29-aad halka goolka labaad uu dhaliyay LM Majoro daqiiqadii 61-aad.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Moses Mabhida Stadium, waxana ka qaybgalay illaa 40,000 oo qof.

Caawa waxa is arki doona kooxa kala ah:

 

Ghana   v Mali    Nelson Mandela  Bay Stadium    17:00

 

Niger     v Congo DR         Nelson Mandela Bay Stadium     20:00

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet