Xiddigga reer Brazil ayaa si rasmi ah u caga dhigtay garoonka Anfield laddib markii Liverpool iyo Inter uu heshiis dhexmaray
Liverpool baahi wayn ayey u qabtay Phiippe Coutinho waa baahi wayn oo ay qabtay xiddigii hore ee qadka dhexe Inter ,sidaas waxa laga soo xigtay Sky Italia.
Coutinho ayaa la filayaa in soo gaaro Merseyside maalmaha soo socda, waxaana la isku raacay in baaritaan caafimaad uu maro.
Liverpool dedaal dheer ayey u gashay siddii ay ula soo wareegi lahayd xiddiigii hore Southampton ee reer Brazil.
Waxa uu ka soo tagayaa Talyaaniga isagoo toddobaadkan aadaya garoonka Anfield .
Naadiga Reds ayaa durba xiddiggan gacanta u galiyay 6.5 million pound si ay u soo xero gashato 20-jirkan Coutinho.
Kooxda Liverpool ayaa dhawaan la soo saxiixatay Daniel Sturridge oo ka yimid Chelsea.
Xiddiggan ayaa lagu soo wareegay illaa 12 million pound,waxa kaloo kooxda ay keensatay ciyaaryahanka qadka dhexe Blackpool ee lder Tom Ika hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga dhammadka bishan.
Inter oo hadda uu la soo darsay dhaqaale xumo waxa ka tagay Coutinho oo ku biiray kooxda Liverpool, halka Wesley Sneijder uu ku dhow yahay in laga iibiyo Galatasaray.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com