Prandelli oo saluugsan Balotelli

Updated About:1 year ago
0

Tababaraha kooxda Talyaaniga Cesare Prandelli ayaa sheegay in uusan aaminsaneen xiddigga kooxda  Manchester City  Mario Balotelli in uu noqon doono mid ka mid ah ciyaaryahannada ugu wanaagsan adduunka.

22-jirkan ayaa meel fiican keenay  kooxda Azzurri  koobkii Yurub 2012-ka, kaddib markii ay yimaadeen ciyaarta kama dambeesta.

Sidaas oo ay tahay haddana tababare Prandelli kuma qanacsana qaab ciyaareedka Balotelli,waxa uu aamisan yahay in dabeecadiisa ay wax kasta ka lumisay.
“Waxa aan tallo ahaan ku siin lagaa Mario in uu wax ka badalo dabeecadiisa taasoo wax badan ka lumineysay xirfadiisa ,” ayuu Prandelli u sheegay wargeyska  La Gazzetta dello Sport.

“Xirfadda kubaddisa waa ay iska caddahay . waxan weli xasuusanaa goolkii uu ka dhaliyay kooxda Germany bishii June, laakin arrintaas wax kasta ay loo maleenayaa bisha  February .
“Waa ciyaaryahan aad u wanaagsan, laakin wax kasta waxa haleeyay dabcigiisa oo aad u xun .”ayuu yiri markale macalin Prandelli.
Balotell ayaa hadda waxa uu dhaliyay hal gool 15-kulan oo uu ciyaaray tartanka kubadda dalka Ingiriiska ee Premier League xilli ciyaareedkan .

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet