Idaacadaha Muqdisho iyo doorka ay ka qaataan wacyi galinta bulshada {Warbixin}

Updated About:1 year ago
0

Inkastoo nusqarni kabadan ay dadka Soomaaliyeed dhagahooda ku maqli jireen Raadiyaal afafkooda ku hadla, hadana maanta sida ay ugu baahi badanyihiin Macluumaadka ay ka helaan Raadiyaasha maanta jira horay uma soo marin sooyaalka Taariikhda ee hababka fariimaha ay ku heli jireen.

Waayeel, dhalinyaro, Haween iyo Caruur uma kala saarna dhagaysiga Idaacadaha, inkastoo ay ku kala badnaan karaan waxaadse arkeysaa markaad wadooyinka iyo suuqyada Muqdisho usoo baxdo sideey u joogteeyaan dhagaysiga wararka iyo barnaamijyada ay baahiyan Raadiyaasha farahabadan eek u hadla afafka Soomaaliga ku hadla.

“Walaahi idaacadahoo dhan waa dhagaysanaa, waxaan dhagaysanaa BBC-da, waxaan kaloo dhagaysanaa Idaacadaha Local-ka ah oo aan kasoo qaato wararka” sidaa waxaa tiri Shukri Maxamed.

Soomaalida ku nool qurbaha waa kuwo ugu badan ee wararka ka hela Idaacadaha ku hadla afka Soomaaliga, kuwaasoo ka hela wararka iyo waxyaabaha ka socda dalka gudihiisa haday ahaan lahayd horumar iyo dhibato intaba.

Si kasto oo ay dadka Soomaalida u dhagaystaan Raadiyaha Hadane Majirto Cilmi baaris dhab ah oo laga sameeyay heerka iyo tirade uu gaarsiisanyahay dhageysigoodu.

Dadka Soomaaliyeed ayaa lagu tilmaamaa ineey yihiin dadka dhagaysigoodu uu kia badanyahay xaga aqrinta, iyo daawashada, waxaana loo sababeyn karaa arintaas, in duruufaha wadanka kajira aysan dad badan u saamixi Karin ineey helaan adeeg Internet oo heerkiisu Sareeyo ama Telefeshin.

Sanadihii danbe oo ay sii kordhayeen dilalka, Xariga iyo hanjabaadaha lagula kaco dadka ka shaqeeya warbaahinta ayaaney taasi hor istaagin kororka Raadiyaasha laga furayo dalka gaar ahaan Caasimada Muqdisho oo ay hada ka shaqeeyaan Idaacado kabadan 20.

Soomaaliya dhowrkii Sano ee ugu danbeeyay waxaa kusoo kordhayay Wariyayaasha madaxa banaan kuwaasoo si gaar ah looga furayay magaalooyinka waaweyn, waxaana la’aaminsanyahay ineey wax weyn kusoo kordhiyeen bulshada inkastoo dadka qaarkiis ku dhaliilaan inaaneey ujeedooyinkoodu cadayn.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet